Khaddar Cabdi Muuse
Faroweyne (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in sanadkan uu madaxweynaha Somaliland amray in dalka laga hirgeliyo Dhaamam biyoodyo fara badan si looga baxo biyo yaraanta dalka ka jirta.
Kuwaasi oo dhaqaalaha ku baxaya haayad ama wadamadda beesha caalamku aanay ka caawinaynin, balse lagu fulinayo isku tashiga dhaqaalaha qaranka iyo bulshadda Somaliland oo hantideenna iyo haynteenna lagu qodayo.
Iyadoo laga faa’iidaysanayo in la xidho biyaha roobka oo biyo qabatin loo samayeeyo kadibna Dhaamam waaweyn lagu xidho biyaha roobka, Dhamam biyoodyadaasi ayaana la qorsheeyay in sanadkan laga qodo meello badan oo dalkan Somaliland ka mid ah.
Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dalkeennu biyo qabatin badan buu u baahan yahay. Weliba biyahan roobka (surface water) ee la qabanayo ayuu aad ugu sii baahan yahay.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland sanadkan wuxuu amray, in Dhaamam badan, oo haayad na aan laga keenin, caalamka na aan laga codsanin, in aynu hantideenna iyo haynteenna ku qodano, oo isagana dalka dhul badan laga qodi doono. Taas na kollay muwaadiniintu way ku xisabtami doonaan”.
Wasiir Cali Maxamed Xasan, waxa uu sidaas ka sheegay kadib kormeer uu shalay ku tegay Dhaam biyood aad u weyn oo noociisu dalka ku cusub yahay oo uu maalgeliyay Baanka Horumarinta Afrika oo qodistiisu ka socoto degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodijeex.
Dhaam biyoodka uu wasiirku kormeerku ku tegay waxaa fulintiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland iyo haayadda Care International, kaasoo hawsha qodistiisu ay hadda marayso meel gebo gebo ah.
Wasiirka biyaha Somaliland oo ka warbixinayay u jeedadda kormeerkiisa iyo halka ay marayso hawsha qodista Dhaam biyoodkaasi, waxa uu yidhi, “Waxaan maanta (shalay) booqasho ku nimid Dhaamka Faroweyne, oo shaqadiisu imika socotay muddo lix bilood ah, oo 70% (boqolkiiba totobaatan) ay hawshii fushay. Booqashadan aan halkan ku nimid, waxaa noo muuqato in shaqo weyni ay halkan ka socoto, oo Dhaamkan hawshiisii ay meel aad u fiican marayso.
Shaqadaa socotay kollay kormeerkayagu wuxuu ahaa uun, wixii la qabtay iyo wixii hadhay in aanu soo eegno, iyo maadaama oo ay xilkayaga iyo masuuliyadayada tahay, in aanu shaqaalaha iyo cidda gacanta ku haysa ba, in aanu ku dhiiri gelino, in ay shaqadda iyo dad-darta sii kordhiyaan”.
Geesta kale wasiirka biyaha Somaliland waxa uu sheegay in Baanka Horumarinta Afrika iyo dawladda Somaliland ay isla afgarteen in dalka laga fuliyo ilaa Lix Dhaam biyood oo kan hadda qodistiisu ka socoto Faroweyne uu yahay kii u horeeyay.
Waxa kaloo uu tilmaamay wasiirku in kormeerka uu shalay ku tegay Dhaamka laga qodayo Faroweyne oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka socday haayadda Care International oo qodista Dhaamkaasi fulinaysaa uu la xidhiidhay sidii uu u tusi lahaa inuu gebagebo marayo, isla markaana ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay fuliyaan shanta Dhaam biyood ee kale.
Waxaanu yidhi, “Mashruucan, waxaa maalgeliyay Baanka Horumarinta Afrika (African Development Fund), wasaaradda biyaha Somaliland iyo haayadda care International na, way isla kaashadeen. Dhaamama kale oo ilaa Lix ahaa ayaa markii hore la isku afgartay, kanna kii ugu horeeyay buu ahaa”.
“Halkan waxaa ka socda shaqadii oo gebogebo ah, markaa in qoladii maalgelinta bixinaysa ee Baanka Horumarinta Afrika na aanu tusno, inuu kan na dhamaad ku dhaw yahay, kuwii kalena aanu diyaar u nahay oo aanu sugayno in aanu ka fulinno meelihii loo qorsheeyay” ayuu yidhi wasiir Cali Mareexaan.
Dhaam biyoodkani laga qodayo Faroweyne, ayuu wasiirka biyuhu sheegay inuu yahay mid aad u casri ah oo noociisu dalka ku cusub yahay, kaasoo qaadaya biyo dhan qiyaastii 420,000 oo Foosto.
“Dhaamkani, waa Dhaam noociisu dalka ku cusub yahay. Waana Dhaam biyo aad u badan oo 420,000 oo Foosto biyo ku dhaw qabanaya. Waxyaabaha ku cusub waxaa ka mid ah in sagxadda oo Ciidda in aad loo garaaco (compaction) ayaa loo samaynayaa, ee Rabadh la saari mayo.
Markaa waxaas oo dhami haddii ay inoo najaxaan, dalkoo dhan waynu ka wada samaynaynaa nocani. Wuxuu na noqonayaa wax dhul kaloo badan laga sameeyo”ayuu yidhi wasiirka biyuhu.
Dhinaca kale wasiir Cali Mareexaan, waxa uu ka warbixiyay qorsheyaasha wasaaradda biyaha ee ah sidii dhulka Hadka ah ee Oomanaha ah looga hirgelin lahaa Baliyo iyo Dhaamam biyoodyo, kuwaasoo lagu tii doono ilaa Buuhoodle ilaa Faroweyne.
Maadaama oo dhulka Hadka ah ee Oomanaha ah aanay inta badan sidii la rabbay u guulaysan ceelasha dhaadheer ee Riigagga ah ee laga qodo, isla markaana Dhaamamka ay Somaliland heshiiska kula gashay Baanka Horumarinta Afrika in ay ka caawiso in laga fulin doono dhulka Hadka ah.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhulkani, waa dhulka Hawdka ah ee ay biyo yaraantu ku badan tahay, had iyo jeer ceelasha laga qodo ee Riigga ahna, inta badan ma najaxaan. Weligeed ba waa laga qodi jiray, laakiin Riigag badan kumaydaan arag. Laakiin, waxaad ku aragteen magaallooyinka in laga qodayo Baliyo isku xig xigga, ilaa iyo Buuhoodle, ilaa iyo halkan aan imika joogno.
Dhaamamkan carsiga ah, ee imika sidan in loo qodo loo qorsheeyay, in lagu taxo dhulka Oomanaha ah, ee Hadka ah, ee aanay ka suurro gelaynin ceelasha dhaadheer, ee Riigagga ahi. Markaa waxaanu ugu tallo galnay in aanu Baanka Horumarinta Afrika na fariintaasi u sheegno, oo maalgelinta bixisay. Kii horena uu guul ku dhaw yahay, kuwii kalena aanu rejaynayno in deg deg loo bilaabo”.