Wasiir Dr. Sacad oo la kulmay Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ee Wakiilladda

0
558

Hargeysa- (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa kulan la yeeshay Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, kaasi oo ka qabsoomay xafiiskiisa shalay.

Kulanka oo Dr Sacad ay ku wehelinayeen Wasiir-xigeenka Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan, iyo agaasime-waaxeedyada wasaaradda Maaliyadda ay ku qaabileen xubnaha Guddiga Dabagalka oo u hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi ayaa ujeedadiisa lagu sheegay inuu la xidhiidhay gudbinta miisaaniyadda Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, siduu dhigayo Xeer Lr. 76/2016 Qodobkiisa 56aad uu waajibinayo in Miisaaniyadda Xafiiska Hanti Dhawrku ay soo marto Guddida Dabagalka ee Golaha Wakiilada.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo warbixin siiyey guddiga ayaa ka waramay qaab-dhismeedka Wasaaradda iyo hanaanka ay marto diyaarinta miisaaniyadda guud ee qaranka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mustafe oo ka hadlayey ujeedada imaatinkooda ayaa sheegay inay la xidhiidhay meelmarinta iyo ka wada hadalka miisaaniyadda xafiiska Hanti-dhowrka qaranka.

Xildhibaanada Guddiga Dabagalka oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey xoojinta wada shaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyadda, isla Xisaabtanka iyo Daah-furnaanta dhammaan hay’adaha dawladda Guddiduna gacan ka gaysato dagabalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka.

 

Leave a Reply