Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hadalka ay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ka jeedisay furitaanka tababar ku saabsan la dagaalanka ka ganacsiga sharci darradda ah ee Harimacadka oo dabayaaqadii bishii September ee sanadakan lagu qabtay magaaladda Hargaysa.
Iyadoo cadadkii kan ka horeeyay ee qormadeenii Isniintii hore aan ku soo qaadanay qayb ka mid ahayd hadalkii ay wasiirka deegaanku ka jeedisay furitaanka tababarkaasi, waxaynu qormadeena maanta ku soo qadan doonaa qaybtii labaad ee dalka wasiirka.
Waxaana tababarkaasi ka qayb qaadanayay saraakiil ka tirsan ciidamadda ilaaliladda xeebaha Somaliland, xubno ka kala socday wasaarradaha dawladda ee ay khusayso arrinta la dagaalanka ka ganacsiga sharci darradda ah ee duur joogta.
Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qayb galay weftiyo ka socday dawladaha Yemen iyo Itoobiya, oo ay si dhaw uga wada shaqeeyaan Somaliland dhoofinta duur joogta ee sharci darradda ah.
Maxkadaha, xeer ilaalinta, wasaaradda arrimaha gudaha, booliska, milateriga, ciidanka ilaaladda xeebaha, iyadoo dadka tababarka bixinayay waxay ka kala yimaadeen, dalka Kenya, dalka Uganda, iyo dalka Ethiopiya.
Kuwaasoo ahaa xubno khibrad dheer u leh, shuruucda iyo ilaalinta duur joogta gaar ahaana Harimacadka, sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu.
Tababarkaasi ayaa socday muddo shan maalmood ah, waxaanay wasiirku ka qayb galeyaashii tababarkaasi kula dar-daarantay in wakhtiga ilaaliyaan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan casharadda ay bixinayaan khubaradaasi ajaanibka ahaa, si dhamaadka tababarkaasi loo soo saaro baaq aad u wanaagsan.
Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixinaysay hawl galadda ay ku bad-baadinayaan ka ganacsiga sharci darradda ah ee Harimacadka, waxay tidhi “Wasaaradda deegaanku, iyadoo kaashanaysa haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin, oo ay ugu weyn tahay CCF oo muddo dheer nala soo shaqaynaysay, waxaanu soo wada bad-baadinay xayawaan fara badan.
In badanina way noolaatay, in badanina way dhimatay. Sababtuna waxa weeye, marka isagoo Harimacadkii yaraa ee dhasha ahaa, saddex todobaad jiray la soo qabsado, ee hooyadii laga soo qaato, ee uu waayo caanihii hooyadii.
Waxaan idin leeyahay ka dawlad ahaan, iyo ka haayad ahaan, iyo ka dad ahaanba, inagoo dedaal ugu wada jirna bad-baadinta Harimacadka, ayaa hadana waxaynu doonaynaa in aynu Gacmaha isa sii wada qabsano.
Dadka halkan la isugu keenay, ee tababarka la siinayo, iyo anaga wasaaradayaduba, waxaa la doonayaa shantaa maalmood ee uu tababarku socdo in ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan”.
Sidoo kale wasiirka deegaanku waxay sharaxaad ka bixisay sababtay Somaliland u noqotay dariiqa ama marrinka laga dhoofiyo duur joogta sida sharci darrada ah looga ganacsado.
“Maxay tahay sababta ay Somaliland dariiqa ugu noqotay Harimacadka sida sharci darra ah loo dhoofinayo? Sababtu waxa weeye, waxaynu leenahay Xeeb aad u dheer. Xeebtaasi waxay inooga baahan tahay ilaalo gaar ah.
Waxaana loo baahan yahay ciidanku meel walba lama dhigi karee, in dadkeena shacabka ah ee xeebaha degani, ay ka feejignaadaan xayawaankaasi la rarranayo, oo aanay gacan ku siinin, qof xayawaan dhoofinaya. Weliba xayawaanka Harimacadka” ayay tidhi Shukri Baandare.
Geesta kale wasiirku waxay ka hadashay in xayawaanka xamaarata ah ee loo yaqaano Caasha-badhida oo waayadan danbe Somaliland si aad ah looga ugaadhsado in ay ka wasaarad ahaan soo xaqiijiyeen dad ajaanib ah oo dadkeena ku tababaraya sida loo soo qabto.
“Caasha-badhida, waxaad arkaysaa, oo aanu sawiradeedii haynaa, dad fara badan oo lagu tababarayo, oo Godad kula jira madaxa, oo ajnabi u badan, oo tababaraya dadkeenii. Sidii ay godka uga soo saari lahaayeen, sidii ay u qaban lahaayeen, iyo siday u kaydin lahaayeen.
Sawiradoodii baanu haynaa, oo magacyadoodii baanu haynaa, oo xataa kuwii tababarayay ayaanu haynaa. Waxaynu u baahan nahay markaasi in dadkaasi wax laga qabto” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.
Shukri Baandare, ayaa u mahad celisay haayadaha caalamiga ah iyo dawladaha maalgeliyay barnaamijka la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.
Wasiirka ayaa si gaara ugu mahad celisay dawladda Ingiriiska oo ay sheegtay in ay u badheedhay sidii ay ugala shaqayn lahayd la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Waxaanay tidhi, “Tababareyaashana in aan tacabkoodda la khasaarinin, iyo haayadahaasi maanta inala jooga ee maalgelinaaya, iyo dawladda Ingiriiska ee u badheedhay in ay inaga caawiso tababarkani, in aynaan ku badhi furin. Laakiin, aynu si wanaagsan uga wada faa’iidaysano”.
Dhinaca kale wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyigu waxay si weyn ugu mahad naqda madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay sheegtay in aanay waxba uga suurto galeen la dagaalanka duur joogta, haddii aanu ku bar-bar taagnayn wasaarada deegaanka.
“Waxba maan qaban kareen, waxna noomay suurto galeen, dagaal na maanu geli karneen, haddii aanu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland nagu bar-bar taagnayn. Madaxweynaha ayaa bixiyay mashruuca weyn ee laga qaban doono Geed-deeble, ee imika biyo baadhistiisu socoto.
Waxa kaloo uu madaxweynuhu amray, mashruuc kaa la mid ah, oo ah beerta cilmi baadhista, oo iyaduna Geed-deeble ah. Mashaariicda intaa laa leeg, wasaaradaydu kumay dhiirateen, haddii aanu madaxweynuhu na dhiiri gelinin, oo aanu na siinin ku dhaqaaqistoodda.
Aad iyo aad na waan ugu mahad naqayaa madaxweynaha. Waxa kaloo aan halkan uga mahad naqayaa, in allaale iyo inta garrabka na siisa, ee wasaaradda Maaliyadu koow ka tahay, ee aanu wakhti kastaba dhaqaale ka dalbano” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.