Wasiirka Khaarajiga oo Kulan la Yeeshay Dhigiisa Taiwan

0
430

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan oo ka jawaabtay eedaha Shiinaha ee xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland

 

 

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskhaasiga Caalamiga ah Dr Ciise Kayd Maxamuud oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Taiwan Dr. Jaushieh Joseph Wu, ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada wadan iyo arrimo kale.

Kulanka oo shalay ku qabsoomay hanaanka muuqaalka ayey ku wehelinayeen Wasiir Dr Ciise wakiilka Taiwan u jooga Somaliland iyo ka Somaliland u magacowday dalka Taiwan, halka Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan ay kulanka ku wehelinayeen Wasiir-xigeenka iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan

Fariin shalay lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa u dhignayd sidan;

“Shir hanaanka muuqaal oo heer sare ah ayaa dhexmaray Wasiir Wu & Wasiirka cusub ee Somaliland Md Ciise Kayd Maxamuud. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xidhiidhka adag ee Taiwan iyo Somaliland & hanaanka loo balaadhin lahaa.” Iyadoo la raaciyey,

“Waxaan sii wadaynaa inaan si wadajir ah u sameyno horumar dhab ah oo dan u ah dadka.”

Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibedda ayaa imanaya xilli shalay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan uu beeniyey qoraal Warbaahinta Shiinaha ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan ayaa shalay cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha oo faafisay warar been abuur ah oo ku saabsan Taiwan ka dib markii Wargeysku sheegay in Xisbiga Horumarinta Dimuqraadiga (DPP) ee xukuma dalka Taiwan uu laaluush siiyey siyaasiyiinta Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Joanne Ou ayaa sheegtay in markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyo dublamaasiyadeed, labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi dhinaca Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland ayey tidhi Ou.

 

 

 

 

 

Leave a Reply