Ciidanka Dabdamiska oo Bakhtiiyay Dab Qabsaday Taawar ku yaala xaafada Isha Boorama.

0
782

Hargeysa (Dawan) — Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa, ayaa habeenimadii xalay damiyay dab qabsaday Taawar ay leedahay shirkadda SO Gasho , Isla markaana hore ay ugu jirtay shirkada Nation Link kaasi oo ku yaala xaafada Isha Boorama ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey dhismaha ,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Dabkan ayuu sababay Mishiinka Korontada laga dhaliyo ee Taawarkaasi.

 

Leave a Reply