Masten Wanjala: Nin Qirtay in uu Carruurta Dhiiggooda Cabi Jiray

0
510

Dad badan oo ku nool Galbeedka Kenya ayaa isugu tagay oo dilay nin qirtay in uu carruurta dili jiray, ka dibna uu dhiiggooda cabi jiray. Ninkaas ayaa laba maalmood ka hor ka baxsaday saldhig boolis oo ku yaalla Nairobi.

Masten Wanjala, oo 20 sanno jir ahaa, waxaa dabagalay dad ku nool magaalada Bungoma, kuwaas oo qabtay isaga oo ku dhuumanayay guri, ka dib garaacid ayey nafta kaga qaadeen, sida ay sheegeen.

Ka dib markii uu saldhigga ka baxsaday, booliska Kenya waxay billaabeen howlgal ballaadhan oo lagu raadinayay ninkan qirtay in uu dilay 10 carruur ah, shan sanno gudahood.

Wuxuu qirtay in mararka qaar uu dhulka ku jiidi jiray, dhiiggoodana cabi jiray.

Waxaa la sheegay in uu dib ugu noqday guriga waalidiintiisa, kuwaas oo iska deyriyay ka dib markii dembiga uu galay, waxaanu ceejin iyo garaacid ku dilay dadkii jaarka la ahaa oo bannaanka ku arkay, kuwaas oo u raacay illaa gurigii uu ku dhuumanayay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah oo la hadlay wargeyska The Standard.

Wuxuu isku deyay in aanay ka shakinin dadka deegaanku, wuxuuna ku dhuumanayay guri aan ka fogeyn ka ay waalidkiisu degen yihiin, sida uu wargeyska ka soo xigtay taliyaha booliska ee magaalada Bungoma.

Waxaa loo maleynayaa in waalidkiisa ay garteen maydkiisa, balse afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in weli ay baadhayaan si ay u xaqiijiyaan in Wanjala uu dhintay, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Ma garan karno sida ay ugu suuragashay in uu u kala safro Nairobi iyo illaa tuuladii uu ku dhashay,” ayuu yidhi Musyoki Mutungi.

“Dadka deegaanka oo aad u feejignaa ayaa marka hore gartay oo ka dibna u baxay in ay dilaan ka hor intaan boolisku ogaanin.”

Wanjala wuxuu carruurta iskaga dhigi jiray tababare dhanka ciyaaraha ah, ka dib ayuu u kexeysan jiray meel cidlo ah oo uu ku dili jiray.

Mararka qaar wuu afduuban jiray carruurta, wuxuuna waydiisan jiray madax-furasho.

Ka dib markii la xidhay bishii July, wuxuu booliska geeyay meelo kala duwan oo carruurta uu ku aasay, waxaana laga soo helay maydad dhowr ah.

Dilka wuxuu ka geystay Nairobi, iyo qeybo ka mid ah Bariga iyo Galbeedka Kenya.

Seddax askari oo shaqada ku jiray markii uu ka baxsanayay xabsiga ayaa la horgeeyay maxkamad, waxaana looga shakisan yahay in ay ka caawiyeen baxsashada iyo in ay feejignaan la’aan ahaayeen.

Booliska waxay sheegeen in maqnaashihiisa la dareemay subixii, xilligii toosinta maxaabiista.

Farriimo badan oo Twitter-ka ay soo dhigtay Laanta Dembi Baadhista Kenya, waxay ku sheegtay in ay ka shalayneyso in Wanjala aanu cadaaladda wajihin.

Waxaa mid ka mid ah farriimaha ku xusan: “Xeerka duurka oo ay fuliyeen dad cadheysan ayaa guuleystay”.

Waxaa sare u sii kacaya dadka dalbanaya in taliyaha booliska Kenya uu is casilo ka dib baxsashada ninkaas oo lala yaabay.

Leave a Reply