In muddo ahba Mareykanku wuxuu ka biyo diidayay inuu Turkiga yeesho awoodda diyaaradaha casriga ah, waxaanu ku gacan seydhay dalabaad ay Ankara ku dooneysay inay Washington kaga iibsato diyaarado dagaal. Faallo uu wargeyska Financial Times ee ka soo baxa waddanka UK ka qoray mowduucan ayuu cinwaan uga dhigay “Dadaalka uu Turkigu ku raadinayo diyaaradaha dagaalka waxa uu culeys ku yahay Biden”.
Mareykanka ayaa waddankan po xubinta ka ah isbahaysiga NATO ka hor istaagay inuu helo dalab uu ku iibsanayay 100 diyaaradood oo noocoodu yahay F-35, Diyaaradahaas waxaa la qorsheynayay inay laf dhabar u noqdaan awoodda dhinaca cirka ee dowladda Turkiga. Washington waxay go’aankaas u qaadatay si ay Turkiga ugu ciqaabto go’aankii uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Ruushka kaga soo iibsaday qalabka difaaca hawada, kaasoo uu u sahlay Vladimir Putin.
“Haddii uu hirgali lahaa heshiiskaas ganacsi ee Turkiga lagaga iibinayay diyaaradaha faa’iidada uu keeni lahaa kuma aanay ekaan lahayn dhaqaale u soo xarooda waaxda difaaca Mareykanka balse waxa uu sidoo kale sare u qaadi lahaa xidhiidhka Washington iyo dalalka reer galbeedka ee ay xulafada yihiin, kuwaas oo aanay dan ugu jirin in Erdogan uu u dhawaado Putin,” ayaa lagu yidhi faallada.
Arrntaas waxa ay sidoo kale xaqiijin lahayd in ay saaxiibtinnimo wanaagsan sii sameystaan Mareykanka iyo Turkiga, isdhexgalkooduna uu meesha ka saaro kala shaki badan oo dhici lahaa. Hase yeeshee waxaa ka dhalan kara saameyn ku aaddan dhinacyo kale oo badan. Wali ma cadda in Mareykanku uu ugu dambeyn hirgelin doono heshiiska diyaaradaha lagaga iibinayo Turkiga, inkasta oo maamulka Biden uu la kulmi karo caqabad kaga timaada dhinaca baarlamaanka.
Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa la ogyahay inuu hor joogsan karo fulinta tallaabadaas, waxaana aanu shaki ka taagneyn in ay Erdogan ku qoonsadeen waxyaabo badan, sida xad gudubyada xuquuqda aadanaha iyo howlgallada militari ee uu ku bartilmaameedsado xoogagga kurdiyiinta Suuriya ee uu Mareykanku taageero.
Cadhada Congress-ka waxaa sidoo kale qayb ka ah hubka uu horayba Erdogan uga soo iibsaday Ruushka, haddana uu wali ku adkeysanayo inuu qaybtii labaad ee gantaallada difaaca cirka kasoo iibsanayo Moscow.
Aqalka Cad ee uu hoggaamiyo Biden ayaa u muuqda inuu ka fikirayo sida uu xal ugu heli karo xaaladdan oo faraha kasii baxeysay tan iyo markii labada waddan ay isku maan dhaafeen go’aankii uu Turkiga ku iibsaday gantaallada difaaca hawada ee uu Mareykanku uga digayay.
Madaxweyne Erdogan oo Mareykanka ku eedeeyay inuu ku guul darreystay hirgelinta heshiiska ganacsiga hubka oo lacagtiisa la bixiyay ayaa laga dhowrayaa in aanu ka gaabinin wadashaqeynta dhinaca hubka ee Ruushka, isagoo dhagaha ka fureysanaya digniinaha uga imaanayaan dhianaca Mareykanka.
Madax xanuunka Biden wuxuu ka taagan yahay waxa uu ka yeelayo arrintan, sababtoo ah haddii uu Turkiga u fasaxo diyaaradaha F-16 waxaa tallaabadaas mid aan loo baahneyn oo is dhiibitaan ah u arkaya dalalka dhaleeceeya siyaasadda Ankara, haddii uu u diidana Erdogan waxa uu helayaa marmarsiiyo uu ugu wareego dhinaca Ruushka.
Waxaase xusid mudan in Erdogan uu Turkiga u sababayo cunaqabateyno uga yimaada Mareykanka, haddii uu ku adkeysto xulafeysiga dhinaca difaaca ee Putin. Qoraaga faallada ayaase hoosta ka xaqiiray in madaxweynaha Turkiga aanu heysan doonin waddo kale oo aan ka ahayn inuu ka tashado Mareykanka.
Sanadkii 2019-kii, mar uu Erdogan ka qayb galay munaasabad ay dhoollatus ku sameynayeen militariga Ruushka, ayuu isagoo jalaato la cunaya Putin kula kaftamay sida uu u arko inuu ka iibsado mid ka mid ah diyaaradaha Ruushka ee loo yaqaano Su-57. Qaar ka mid ah saraakiisha reer galbeedka ee ka soo horjeeda xidhiidhka Ankara iyo Moscow ayaa hadda ka walaacsan in Erdogan uu ka dhabeeyo kaftankaas.