Maamulka Gobolka iyo Degmada Gabiley oo Arabsiyo ka dhagax-dhigay garoon kubbadeed

0
449

Badhasaabka gabilay cabdikariim aadan xaaji diiriye oo uu weheliyo taliyyr xigeenka qaybta  booliiska gabilaybgaashaanle dhexe cabdi xasan cismaan (cabdi kiin)maayarka gabilay maxamed amiin cumar cabdi iyo xoghaya dawlada hoose ee gabilay mustafe maxamuud xaaji cabsiiye oo ay weheliyaan maayarka dagmada arabsiyo xamse sacad aw muuse iyo xoghayaha dagmada arabsiyo. Taliyaha saldhiga booliiska arabsiyo iyo qaar ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka gabilay ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhiay garoon kubada cagta oo ay yeelanayso dagmada arabsiyo markii u horeysay

Xoghayaha dagmada gabilay mustafa maxamuud cabsiiye ayaa sheegay inay maanta cashuurtii bulshada laga qaaday dib loogu celinaayo loogana dhisaayo garoonkan kubada cagta oo markii koowaad arabsiyo yeelanayso
Garoonka ayaa waxaa dhismihiisa fulinaysa dawlada hoose ee gabilay kaasi oo laga hirgalinaayo miisaaniyada dawlada hoose ee sanadkii 2021 kii loogu daray qorshaha ku talagalka in garoonkan loo dhiso
Waxaa iyaduna halkaa ka hadashay sahra cabdilaahi sheedaal oo ku hadlaysa magaca haweenka dagmada arabsiyo ayaa maamulka gobolka uga mahad  celisay dhismaha garoonka kubada cagta ee maanya dagmada arabsiyo loo dhagax dhigay
Waxaa ugu horeyn halkaa ka hadlay maamulka dagmada arabsiyo xamse sacad at muuse oo uga mahad celiyey maamulka gobolka iyo kan dagmada gabilay iyo mudanayaasha golaha deegaanka ee maanta dhagax dhiga garoonkan ka soo qaybgalay maayarka arabsiyo ayaa sheegay in sidled naadi dhalinyaro ay ka jiraan dagmada arabsiyo sidaa awgeedna uu garoonkani drooling doono baahidii dhalinyarada dagmada arabsiyo kuwaasi oo away ku ciyaari jiray dooxyada arabsiyo oo halls badnaa xiliyada daad ku soo rogmado
Qaarka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka gabilay ayaa sheegay in sii libilaabayaan horumarka adeegyada gabilay
Maayarka dagmada gabilay ayaa sheegay in qorshani yahay qorsha xukuumada madaxweyne muusa bixi in la dhiiri galiyo dhalinyarada jsl
Maayarka gabilay ayaa sheegay in aynka fulinayaan dhismahan miisaaniyadii 2021ka oo ay horevugu dareen goobaha ay ka maamul ahaan ku celinayaan cashuurtii laga qaaday
Maayarka ayaa sheegay garoonkani yahay mid loogu talo galay inay dhalinyaradu ka fogaato inay bartaan balwadaha aan wanaagsanayn
Gabagabadii badhasaabka gobolka gabilay cabdi kariim aadan xaaji diiriye ayaa soo dhaweeyey dhagax dhigan oo uu sheegay in dhalinyaradu baahi wayn u qabeen kagana badbaadi doonaan inay batman balwadaha xun xun taasi badalkeedana ay diyaar u yihiin inay dhisaan garoonkani badhasaabka ayaa ugu mahad celiyey maayarka iyo maamulka  dagmada gabilay siday wanaagsan ee ay u wadaan mashaashriicda  gobolka
Badhasaabka ayaa sheegay in ciyaaruhu dhisaan jidka qofka .jidka dhisan ayey ku jirtaa maskada fayoobi
Maamulka ayaa si wada jir ugu mahadnaqay dhamaan cidkastoo oo dagmada ah oo ka qaybqaadatay inuu hirgali dhismaha garoonkan kubada cagta ee arabsiyo stadium.
Maayarka oo ay warbaahinta qaranku solna  gabagadii waydiisay xiliga la bilaabaayo dhismahan ay maanta dhagax dhigeen
Ayaa yidhi “waxaan bilaabaynaa dhismaha garoonka arabsiyo stadium todobaadkan gudihiisa”
Isman abdi bade
Warbaahinta Qaranka
Gabiley

Leave a Reply