Wasiirka Hawlaha Guud oo Maxkamad la Tiigsanaya Guddoomiyaha xisbiga UCID

0
717

Hargeysa (Dawan) Wasiir wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland, mudane Cabdillaahi Abokor Maxamed,   ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq xilligii uu ahaa wasiirka jidadka.

Wasiirka ayaa Faysal ku eedeeyay in uu markasta fagaarayaasha ka sheego, hadalo aanu iska hubsanin oo been abuur ah, isla markaana uu hagardaamo ku yahay Qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo dhammaan dhukumantiyadii iyo xogta hawlihii uu ka masuulka ahaa intii uu joogay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, isla markaana uu maxkamadda u gudbinayo, si Faysal ay garsoorka ugu kala baxaan.

Wasiir Cabdillaahi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Aniga iyo Faysal in aanu kula bixi  doono laamaha garsoorka ee Somaliland, waana markii ugu horraysay ee laba masuula isla tagi doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Ma jiro wax na dhexyaala aniga iyo Faysal, balse Faysal dib u dhac hagar daamo ayuu ku yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland, maantana waxa uu jooga sannadkii 21-aad ee uu yahay guddoomiye xisbi, waana markii afraad ee uu leeyahay waxaan u sharaxanahay xil madaxweyne, taasina waxa ay Meesha ka saaraysa nidaamkii  dimuquraadiyadeed, dawladdeed iyo isbaddel, marka dhab ahaantii waxaan arkayaa Faysal in uu yahay Weel madhan, weelka madhanina wuu sanqadh badan yahay.”

Wasiirka ayaa Faysal ku eedeeyay in uu markasta fagaarayaasha ka sheego, hadalo aanu iska hubsanin oo been abuur ah, isla markaana uu hagardaamo ku yahay Qaranka Somaliland.“Waxa aan ogahay in Faysal Qaranka hagardaamo ku yahay, in uu nidaamka dawladdnimada hagardaamo ku yahay.

Faysal waxa uu dafiray qorshihii Qaranka ee 2017-ka illaa 2022-ka, waxa uu dafiray qorshaha Qaranka ee 2030-ka, waxa uu dafiray qorsheyaasha wasaaraddaha, wasaarad aan qorshe lahaynina ma jirto”

Wasiirku ayaa guddoomiye Faysal ku sifeeyay in uu leeyahay dhaqankii Maxamed Siyaad  Barre.“Faysal waxa uu taagan yahay halkii Maxamed Siyaad Barre taagnaa, 21 sannadood ayuu kaga tagay dawladdii Soomaaliya, waxaan aaminsanahay haddii uu joogilahaa kursigii Siyaad Barre, Maxamed Siyaad Barre kaarayaal iyo diyaarado ayuu inagu duqeeyay, balse isagu wuu ina sumayn lahaa, sida uu u xil jecel yahay ee aanu dadka uga hor dhaqaaqin.

Marka Faysal waxa aan leeyahay umadda Soomaaliyeed, umadda Somaliland iyo ta Islaamkaba in aad ka dayso beenta, iyo laba wajiilaynta aad maalinkasta umadda la hor taagan tahay, waxaanu Faysal bariisaday in uu hilbaha dadka cuno, waxaanuse rajjaynayna in wakhtigiisu iska soo gaaban doono.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa hadal uu jeediyay 17 October wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan ku eedeeyay  in uu ku kacay musuq maasuq wakhtigii uu maamulayay wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka  Somaliland.

Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta, mudane Cabdillaahi Abokor Maxamed/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan.

 

 

Leave a Reply