Xukuumadda oo sahamisay qorshe-magaaleedka Allay-baday iyo dhismeyaal khad cas la mariyey

0
480

Allay-baday(Dawan)-Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland Magaalo-degmeedka Allay-baday oo ka tirsan gobolka Gabiley ka bilowday sahaminta iyo naqshadaynta qorshe-magaaleedka Degmadaasi.
Waa Magaaladii afaraad ee heer degmo ah oo laga fulinayo qorshahan, waxaana ay hore Wasaaraddu iyadoo kaashanaysa Dawladdaha hoose ee Degmooyinkaasi u naqshadaysay degmooyinka Gabiley, Wajaale iyo Agabar oo dhamaantood kamida degmooyinka gobolka Gabiley.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gabiley, Isuduwaha Wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo dhulka ee gobolkaasi iyo khubarro ka socda Wasaaradda oo maanta hawlgal la xidhiidha bilowga qorshe-magaaleedka u tegay Magaalada Allay-baday, ayaa waxa halkaasi ku qaabiley duqa Degmdaasi iyo masuuliyiinta kale xafiiska Dawladda hoose, waxaanay weftiga heer gobol iyo masuuliyiinta Degmadu isla maanta bilaabeen calaamadinta goobaha laga fulinayo qorshaha, iyagoo khad cas mariyey dhismeyaal, dayrar iyo cooshadu ganacsi oo ay ku saamaynayso nashqadaynta waddooyinku.
Kharashka ku baxaya qorshahan waxa bixinaya Dawladda hoose ee Degmada Allay-baday oo kaashanaysa Wasaaradda hawlaha guud, iyadoo uu muddo socday hindisaha iyo diyaar-garowga fulinta qorshahaasi.
Dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan kuwa leh Dhismeyaasha iyo goobaha kale ee la calaamadiyey, ayaa loo qabtay inay wakhti labaatan cisho ah kaga diyaar-garoobaan olollaha banaynta jidadka iyo dhulka danta guud.


Cabdi Cali Cilmi Isuduwaha Wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo dhulka oo halkaasi ka hadlay “Wasaaradda hawlaha guud waxa ka go’an in la dardar geliyo shaqada ay u xilsaaran tahay ee nashqadaynta iyo ilaalinta dhulka danta guud. waxa aanu dadweynaha reer Allay-baday ku wargelinayaa inay muddo labaatan cisho ah kaga furfurtaan wixii uga dhisan dhamaan meelaha la calaamadiyey”ayuu idhi Isuduwe Cabdi Cali.
“labaatan cisho kaddib marka hawsha la bilaabayo halkan waxa iman doona masuuliyiinta u saraysa Wasaaradda oo shaqada bilowgeeda shaacin doona”ayuu raaciyey.
Guddoomiyaha Degmada Allay-baday Cabdirisaaq Aw gaab oo isugu warbaahinta Qaranka la hadlay, markii hawsha sahamintu socotay, ayaa sheegay in talaabadan qorsheynta Magaaladu qayb ka tahay inay soo baxdo bilicda iyo qaab-dhismeedka Magaaladu “waxaynu doonaynaa inay noqoto Magaaladu mid la tartanta magaalooyinka kale, u dhisanta sida Magaalooyinka kale. wasaaradda hawlaha guud si fiicanbay hawsha u bilaabeen, annaguna waxaanu diyaar u nahay in aan garab iyo gaashaan u noqono”ayuu yidhi Duqa Degmada Allay-baday.


Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey talaabadan hore loo qaaday ee bilowga nashqadaynta Magaaladii Afaraad ee gobolka ka tirsan, waxaanu ku bogaadiyey Wasaaradda fulinaysa iyo maamulka dawladda hoose ee Degmadaasi dhaqaajinta mashruucan.
“gobolka horumarka ka socda waxa kamida in qorshe-magaaleed loo sameeyo magaalooyinka waaweyn, waxa laga sameeyey Gabiley, waxa laga sameeyey Wajaale iyo Agabar, maantana waxa la marayaa allay-baday, labada degmo ee hadhay ee Arabsiyo iyo Geed-balaadhna waxay ku jiraan qorshaha”sidaasi ayuu yidhi Guddoomiye Cali Case oo dadweynaha Magaalada Allay-baday ku adkeeyey inay fursada la siiyey kaga guuraan meelaha la calaamadiyey, isla markaana ay baneeyaan dhulka waddooyinka ah.

 

Leave a Reply