Boorame: Kulan laga Hadlay Tayaynta Waxbarashada

0
292

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa shalay soo xidhay kulan lagaga hadlayay tayaynta Waxbarashada oo muddo labo cisho ah ka socday Magaalada Boorama.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo hadal ka jeediyay xidhitaankii kulankan ayaa waxa uu sheegay in kulankan lagu falanqeeyay wixii u qabsoomay iyo waxa ay qaban doonaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxana uu yidhi “Waxa aynu ku eegaynay kulankan hagaynu ka nimid iyo Maanta haga aynu joogno iyo haga aynu doonayno in aynu gaadhno, waxaana aynu isla garanay waxa inoo qabsoomay iyo waxa aynu qaban doono Mustaqbalka.

Waxaynu isla garanay haday jireen waxyaabo caqabad ku ah shaqada oo aynu Isla, eegnay sida caqabadahaa looga hor qaadayo, waxaana aad iyo aad ugu faraxsanay in meel fiican wax isla dhignay oo qof waliba uu garanayo waxa uu qabanayo”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu soo dhaweeyay kulankan. Waxaana uu yidhi “Waan soo dhawaynayaa in wax lays waydiiyo talo wanaagsan ayaa ka soo baxday kulankan oo halkaa laga sii qaado hawsha, shaqo wanaagsan ayaana la qabtay”.

Leave a Reply