Daadmadheedh: Labo Dhaam Biyood oo Xadhiga laga Jaray

0
371

Qore Khadar M. Dhako

Oodweyne (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa xadhiga ka jartay labo Dhaambiyood oo laga hirgaliyay Deegaanada Habaasweyn iyo Boodhlay oo ka tirsan Gobalka Daadmadheedh.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Biyaha Siciid Axmed Jibriil oo hadal ka jeediyay xadhiga ka jarista labada Dhaambiyood ayaa waxa uu u soo jeediyay Dadweynaha ku dhaqan Deegaanada Habaas-weyn iyo Boodhlay in ay ka faa,iidaystaan Biyaha Roobka. Waxaana uu yidhi “Waxa halkan Wasaarad ahaan u nimi Wasaarad ahaan in aanu idiku wareejino Dhaambiyoodkan,waana in aad ka faa,iidaysataan Biyaha Roobka waxaana u dhan Dhaambiyoodkan Taangiyadii laga cabaayay Soolarkii iyo Mishiinkii Biyaha ka soo saarayay Dhaambiyoodka iyo Dararkii Xooluhu ka cabayeen”.

Guddoomiyaha Gobalka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu soo dhaweeyay Dhaambiyoodka laga hirgaliyay Deegaanadaas.Waxaana uu yidhi”Dhaamam kan baahi badan ayaa Gobalka Daadmadheedh kaga maarmay biyo la,aantii, waxaana farxad ii ah wax qabadkan aad iyo aad ayaanan usoo dhawaynayaa”.

Sidoo kale Dadweynaha ku dhaqan Habaasweyn iyo Boodhlay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Dhaambiyoodka laga fuliyay Deegaanadaas.

 

Leave a Reply