Dadaalka Iyo Dawladaha Xoogga Ku Haysta Caalamka!

0
632

Maanta dunida waxa ka jira 91 dal, iyo gobolo iyo qaarado kale, dhamaan waxay hoos tagaan golaha amaanka ee Qaramada midoobay kaasi oo go’aanka dalalka iyo masiirkoorada gacanta ku haya. Laakiin golahaasi waxa keliya ee joogto ah oo go’aanka gaadha shan dawladood oo qudha waana: Maraykanka, Ruushka, Ingiriiska, Farans iyo Shiinaha.

Shantan dawladood ayaa ah kuwa dunida siyaasad, dhaqaale, awood ciidan iyo wax kasta ugu horeeya. Laakiin sidee ayay dawladahani mansabkan weyn ee hogaaminta iyo gacan ku haynta talada dunida ku gaadheen ?

Tusaale ahaana, dalka Faransiiska oo ka mid ah shant da l ee Golaha Amaanka joogtada ah, Bishii May 10, sanadkii 1940 Naasigii Jarmalka Hitler waxa uu si fudud u jebiyey difaacii isbahaysiga waxaana uu qabsaday dalalka Faransiiska, Belgim, Luxembourg iyo Holand. Ciidamadaasi oo ah kuwa lugta oo aad u xoogan. Faransiis

Dadka oo aan hoy iyo hanti ay galaan haysan, dal burburay, dhaqaale aad u liita, kaabayaasha nolosha oo ay  u dhamaatay, iyo saboolnimo baahsan, waa ereyada lagu cabiri karo dalka Faransiiska dagaalkii labaad, badhtamihii qarnigii ina dhaafay.  Waxaana wakhtiga xoog ku qabsaday oo xukunka dalkaasi la wareegay Jarmalka.

Faransiiska waxa uu isku deyay inuu sameeyo dib u dhis ballaadhan iyadoo ay ku adkayd inuu iska bixiyo daymaha lagu leeyahay. Labaatan sano ayuu Faransiisku ku jiray dib u dhis dhaqaale, dhisme iyo mid niyadda bulshadiisa inuu dib u soo nooleeyo.

Maanta iyo wakhtigan aynu joogno, ciidanka Faransiiska waa quwadda afraad ee dunida, dhaqaalahana caalamkana waxa uu kaga jira kaalinta 8aad , dalalka dhaqaalaha dunida ugu horeeya. Waxaana miisaaniyadda sanadkii 2018 ee Farnce waxay ahayd  4.2 Doller, Tiriliyon. Horumarka waxa u uku yimaadda dadaalka aad bixiso.

Leave a Reply