Xusuusta Qoyska Wanaagsan!

0
270

Waqooyiga magaalada Shekiago ee dalka Maraykanka waxa ku yaal xabaalaha Graceland Cemetery. Qabuurahan oo la sheegay inay qarngii 19aad ahaayeen, aya taariikhda lagu qoray inay ku aasan yihiin dadkii halkaasi degena oo la sheegay inay ahaayeen dad aan wax dhibaato ah u geysan jirin bulshooyinka kale.

Waase aduunyo imisa boqor ayaa dhintay oo loo ooyay ka dibna ka tegay oo keliya qabri cidla ku yaal oo mugdi ah , shimbiruhuna ay hareerihiis hoy ka dhigtaan.

 

Taallo qabuurahan ka mid ah ayay ku sawiran tahay gabadh yar gabadhan oo la odhan jiray Anies Clark oo lix jir ahayd oo dhimatay sida la sheegay sanadkii 1880 , ka dib ka dib markii ay usoo baxday inay beertooda  ku dhex ciyaarto. Inkastoo maalintaasi jawigu  wanaagsnaa iyaduna ay ku ciyaaraysay meel aan fogayn waalidkeed  oo isaguna beerta ka shaqaynayay, haddana hawada ayaa si kedis ah maalintaasi isu bedeshay,

Dabayl ayaa kacday,  cirkuna waxa isku darsamay onkod iyo hilaac muddo yar ka dib gabadhii yarayd waxa ku dhacay danab halkaasina waa ay ku dhimatay iyadoo waalidkeedana arkayo.

Sidaa darteed ayay dadka deegaanku ugu sameeyeen taalada gabadha yar si loogu xusuusto waalidka ugu samir siiyaan. Taaladan qubuurha ku dhex taala ayaa loo dalxiis tagaa, waxaana ay noqdeen xabaalaha ugu dalxiiska badan dalkaasi.

Leave a Reply