Guddoomiyaha xisbiga UCID  iyo Wasiir Hawlaha guud oo  heshiiyay

0
749

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha xisbiga Eng. UCID Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka howlaha guud dhulka iyo guriyeynta  ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa ka heshiiyay khilaafkii soo kala dhexgalay kadib markii, uu arrintooda ka odayeeyay xildhibaan Jaamac Maxamed Cabdi (Jaamac Macaf) oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera.

Jaamac Macaf ayaa ku dhawaaqay heshiiska ay gaadheen labada masuul, wuxuuna sheegay in uu isagu isku xilqaamay heshiisiintooda.

Xildhibaan Jaamac Macaf isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Maanta oo aanu joogno magaalada Hargaysa, waxaa hareerahayga fadhiya guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo wasiirkii howlaha guud Cabdillaahi Abokor, si iskay ah ayaan iskugu xilqaamay in aan khilaafkii yaraa ee soo kala dhex galay xalino, wayna islaab xaadheen”

Jaamac Macaf ayaa heshiiska iyo is laab xaadhashada ku tilmaamay waxyaabaha ay Somaliland caalamka qaarkii kaga duwantahay.”Dadka reer Somaliland waxan u sheegayaa, dadkeena siyaasiyiinta ahi waxyaabaha ay dunida kale kaga duwan yihiin weeyaan, waxkasta haday dhexdooda ka dhacaan si wanaagsan oo gobonimo ah ayay u dhamaystaan”

Guddoomiye Faysal iyo wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta isku marinayay eedo uu mid ba midka kale u jeedinayo, iyadoo Faysal uu wasiirka ku eedeeyay musuq-maasuq halka wasiir Abokor na uu sheegay in uu dacwad maxkamadeed ka gudbinayo guddoomiyaha.

Leave a Reply