Khilaafkii ka Dhexeeyay Iskaashadata Gaadiidka ee Tawfiiq oo Xukuumaddu  ka hadashay

0
2415

Berbera (Dawan): -Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Abokor Maxamed oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa kulan la qaatay guddida gaadiidleyda Tawfiiq.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo la hadlay warbaahinta markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in qof kasta oo ka tirsan iskaashatada gaadiidleyda ee Tawfiiq oo lacagi ka maqan tahay uu soo qaato cadaymihiisa maalinta Sabtida,iyada oo uu keeni doono cadayntaas xafiiska iskaashada Tawfiiq, isla markaana lacagtiisii la siin doono.

Agaasime Axmed Abokor Maxamed ayaa sheegay in aanay dhici doonin in ciddii lacag lagu lee yahay ay iska tagto, sidoo kalena aanay jiri doonin cid la dulmiyi doonaa,waxaanu tilmaamay in ay si cadaalad ah oo dhex dhexaad ah ay shaqadu ku socoto.

Dhinaciisana Badhasaabka gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ku jiraan sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf dhowaan soo kala dhex galay guddida gaadiidleyda ee Tawfiiq oo muddooyinkii u dambeeyey kala cabanaayey,waxaanu tilmaamay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil in lagu jiro sixitaanka xisaabaadka ay isku qabteen iskaashatadu, isaga oo usoo jeediyey Gaadiidleyda iskaashatada Tawfiiq in inta lagu gudo jiro sixitaanka xisaabaahaas ay iska ilaaliyaan warbaahinta ay ka hadlayaan iyo hadalada ku tiri ku teenka ah.

Dhinacoodana qaar kamid ah iskaashatada gaadiidleyda ee Tawfiiq oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in uu jiro shaki soo kala dhex galay iskaashatada, kaas oo ku saabsan dhinaca xisaabaadka lacagaha, waxaanu cadeeyey in waqtigan wax walba la cadeeyey,isla markaana ay wasaaradda Gaadiidka iyo Maamulka gobolka Saaxil u sameeyeen cid lagala xisaabtami doono lacagaha iskaashatada,isaga oo u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland iyo maamulka gobolka Saaxil

Leave a Reply