- Marka ay dadku isku caawiyaan dambiga iyo xad-gudub, waa marka midba kan kale nacayo.
- Ma jiro wax uga faa’iido badan qalbiga Tawxiidka iyo Ikhlaaska.
- Cafiska ugu quruxda badan waa inaad qofka cafido adigoon canaanan, sabirka ugu quruxda badanna waa inaad sabirto adigoon caban.
- Xuska Allah wuxuu qalbiga u yahay sida biyuhu kalluunka u yihiin
- Alle ciqaab walba oo ka timaada waa cadaalad, naxariis kasta oo ka timaadana waa nimco
- Qofka carabkiisa wuxuu ku siin karaa dhadhanka qalbigiisa.
- Awoodda qalbiga waxay soo laabataa marka qofku uu tawbad keeno.
- Labada ciidan ee aan marna la jabin karin waa: qalbiga daacada ah iyo ducada qofka xaqa ku taagan.
- Adoonku wuxu mar kasta ku sugan yahay nimco ay tahay inuu ku mahadnaqo ama denbi ay tahay inuu ka toobad keeno.
- Qofna si xad dhaaf ah ha ugu tiirsanaan adduunka, waayo xitaa hadhkaaga ayaa ka tegaya markaad madawga gasho.