Niyad Jabka Iyo Kooxda Wahsiga Badan!

0
300

Jean Lacoste wuxu u dhashay dalka  Faransiiska, waxaana uu ahaa xidigihii caanka ku noqday kubbada Teniska mudadii u dhaxaysay 1920-1930. Wakhtigii uu bilaabay  Teniska wuxu ahaa nin aad u ugu liita ciyaarta oo khashiin ah marka kastana saaxiibadii ku qosli jireen waxaana ay u bixiyeen naanaysta Yaxaas, in badan waxay kula taliyeen  inuu iska dhaafo.

Dacaayadda saaxiibadii iyo xataa naanaysta Yaxaaska oo ay ula jeedeen in la moodo Yaxaas marka uu ciyaarayo, kuma niyad jebin waxaana uu ku dadaalay inuu noqdo xidig caan ah.  Lecoste wuxu noqday ciyaartowga dunida ugu wanaagsan teniska labadii sano ee isku xigay  ee 1926 iyo 1927.

Sanadkii 1932 ayuu ka fadhiistay ciyaaraha isla wakhtigaasi ayuu furay  dhaqaalihii uu ka helay shirkad ka ganacsata Dharka ciyaaraha, waxaana uu calaamadda ganacsigiisa ka dhigay Yaxaaskii lagu caayi jiray.    Saaxiibadii dacayaadayn jiray  ayuu shirkadiisa 70% shaqaale  u noqday.  Weliga haku niyad jebin kelmadaha kaaga imanaya saaxiibada wakhtiga aad hayso wadada guusha. Jean Lacoste wuxu dhintay bishii June 12, sanadkii 1992 isagoo hantiile ah.

Leave a Reply