Falsafadda iyo Dawladnimada

0
300

Falsafadda siyaasadeed (Political Philosophy) ayaa ah baadhitaanka jawaabta su’aalaha asaasiga ee la xidhiidha xukuumadda, siyaasadda, xorriyadda, cadaaladda iyo hirgelinta xeerarka iyo shuruucda.

Faylasuufkii ingiriiska ahaa ee Thomas Hobbes oo dhintay Bishii Oktoobar 1679-kii ka dib markii xanuun kaga dhacay  kaadiheysta, kaas oo xanuunka faalig ku keenay ayaa isagu qoraaladiisa uu ku qeexay dawladda ku yidhi :”  Dadku waxay ku noolaayeen loolan iska soo horjeeda taasi oo marka danbena keenaysa in dhinac kastaa uu khasaaro, sidaa darteed noolaha Aadamiga ee caqliga lihi waxa ay isla garteen intii deegaan iyo dano ka dhexeeyaanba in dhinac kasta tanaasul la yimaaddo si nabad iyo wada noolaansho loo gaadho.

Waana halkaasi ayuu yidhi meesha ay ka soo unkantay dawladnimadu, waxaana uu ku qeexay dawladu inay tahay heshiis bulsho (Social Contract)  Waxa fikirkaasi ku raacay oo isaga la qaba Faylasuufyo kale  oo sida Arsitotal.

Markaa shaqa dawladnimo waxa ugu horeeyaa waa inay kala hagto oo xalisho loolaanka joogtada ee baahiyaha iska hor imanaya ee bulshada si dhinaca kasta u helo nabad iyo nolol wanaagsan. Dawladu waa awood urursan oo cabsi gelinaysa qof iyo kooxda sharciga jebisa madaama ay tahay mid heshiis wadareed xal ah lagu unkay, la’aanteed uu dhinac kasta khasaarayo.  Waxaana muhiim ah inay yeelato awood hogaamineed iyo horumar joogto ah.

Leave a Reply