Xikmadaha

0
373
  • Laba arrimood ayaa qofka shakhsiyadiisa muujiya : dulqaadkiisa marka u baahan yahay, iyo sida uu dhaqmo marka uu wax kasta haysto.
  • Haddii aanad quluubta dadka karayn in wanaag ku beerto, haku beerin xumaan aan xanuunkeeda la ilaawin.
  • Qofka sida dhabta ah ku jecel marn kaama quusto, si kasta oo xaaladuhu u adkaadaan
  • Oohinta micnaheedu maaha in uu qofku daciif yahay, waa habka uu jidhku u hadlo marka afku aanu fasiri karin dareenka qofka.
  • Wakhtiyada qaarkood dadku uma baahna waano, Waxay rabaan in la dhegaysto.
  • Liibaantu dhamaanteed waa in qofku naftiisa xakameeyo, xumaan oo dhami waa isagoo naftiisa sii diiya.
  • Hadalka debecsani wuxu jilciyaa quluubta ka adag dhagax casa ah, hadalka xumina wuxu kharibaa quluubta ka khafiifsan xariirta.
  • Haddii laga aamusi lahaa waxaan la garanayn, khilaafka dadkuna wuu yaraan lahaa”.

 

Leave a Reply