Warbaahinta Iyo Maskaxda Bulshada !

0
729

Mr,Malcolm X wuxu dhashay sanadkii 1925 waxaana uu ahaa agoon Maraykanka Madow ka soo jeeda oo Muslim ah, waxaana aabihii la dilay isagoo 6 sano jiray , hooyadiina waxa ku dhacay xanuunka maskaxda, waxaana lagu dawayn jiray Isbitaalka xanuunada dhimirka, waxaana ay qabtay xanuunada maskaxda.

Dadaalkiisa iyo halganka u ugu jiray xorriyadda dadka madow ee Maraykanka ayuu ku noqday qof magac weyn leh oo caan ka ah dalkaasi.

 

Xorriyadda dadka madow ayuu geliyay dadaalkiisa ugu badan taasi oo sababtay in shirqool lagu dilo sanadkii 1965 isagoo jooga Newyork.  Al-haji Malolm X, waxa uu ahaa qof maskax badan oo fasiri karayay waxa socda iyo ujeedada ka danbaysa.

Waxa culaysa weyn ku hayay warbaahinta dadka caddaanka ahi ay gacanta ku hayeen iyo sida ay u buunbuuniso isla markaa dhegaha dadka ugu celiceliso oo u qaada dhigto arrimaha ay doonayaan in la rumaysto iyagoo haddana been ah.

Waxaana uu ku soo koobay tilmaanta uu ka bixiyay saxaafadda iyo sida ay xaqiiqda u qariso oo usoo bandhigto hadba waxa ay iyadu rabto erayadan:

“ Media, ama warbaahintu (Saxaafaddu)  waa hay’adda ugu xooga weyn dunida , waayo waxa ay haysta quwadda  iyo xoogga ay danbiile ka dhigaan qof aan waxba galabsan oo bari ka ah xumaanta iyo denbiyada. Halka qof aan wax denbi ah aan gelin ay ka dhigi karaan , mujrim aan qofna nabadgelinayn oo cadow ku ah bulshada. Arrintaasina waa awoood ay leedahay, waayo waxa ay maamusha maskaxaha bulshada”

 

Leave a Reply