Xikmadaha

0
641
  • Qiimo ma leh qorigu marka dahabka loo eego, laakiin marka aad badda ku haligmayso waxaad qabsataa qoriga, dahabkana waad ka tagtaa, sidaa awgeed saaxiibada qofna ha lumin xataa haba ahaado looxe, qof kastaana qiimo wuu leeyahay.
  • Qofka aan ka cabin webiga waayo-aragga, waxa uu haraad ugu dhintaa lama degaanka. Noloshu waa dugsi, macalinkeedu waa wakhtiga, casharaduna waa waayo-aragnimada.
  • Afkaaga oo aad cunto ku mashquuliso ayaa ka wanaagsan inaad xan iyo isku dirka u adeegsato, waayo raashinku wuxu kordhiyaa miisaankaaga, laakiin ma kordhiyo denbigaaga.
  • Haddii adimadu ay raad kaga tagaan dhulka carabkuna wuxu raad kaga tagtaa qalbiyada, waxa guulaystay qofka aan wax dulmiyin, dadkana xaman.
  • Alskendar oo boqoradii Baabul ka mid ahaa ayaa la weydiiyay: Keeba loo baahan yahay cadaalad iyo geesinimo?, waxaana uu ku jawaabay “Hadaan cadaalada hayno waan ka maarmaynaa geesinimada”

 

Leave a Reply