COP26: Cunnitaanka hilibka iyo Isbadelka Cimilada maxaa iska galay

0
545

Shirka cimilada adduunka ee COP26 ee haatan ka socda magaalada Glasgow ee Scotland- Waa mid ka mid ah shirarka ugu waaweyn ee looga hadlo cimilada adduunka.

Weriyaha BBC-da, Chris Morris, iyo khabiirka arrimaha deegaanka Matt McGrtah ayaana ka jawaabaya qaar ka mid ah su’aalaha laga yaabo inay maskaxdaada ka guuxayaan.

Dad daafaha dunida kala jooga ayaa soo weydiiyay su’aalahan hoos ku xusan:

Maxay tahay sababta maalgelinta adduunka ee dalalka saboolka ah aysan ugu filneyn soo afjaridda gaaska hawada lagu sii daayo?

Chris Morris ayaa ku jawaabay:

Tani waxay qeyb ka tahay doodda maalgelinta ee haatan ka taagan shirka cimilada adduunka. Sanadkii 2009, dalalka qaniga ah yaaa sheegay in $ 100 bilyan oo doollar ay sanadkii ugu deeqayaan dalalka soo koraya wixii loo gaaro 2022. Balse ma aysan fulin ballan-qaadkooda haatanna waxay qabsadeen 2023.

Dalalka saboolka ah ayaa u baahan lacag ay wax uga qabtaan isbeddelka cimilada ee ay haatan wajahayaan. Balse waxay sidoo kale lacagta ugu baahan yihiin inay u suurto gasho isticmaalka tamar nadiif ah.

Haddii ay dadku sababayaan isbeddelka cimilada maxaa la sameyn karaa si looga hortago koboca bulshada?

Chris Morris ayaa ku jawaabay:

Koboca bulshada ma horseedo isbeddelka cimilada. Balse waa gaaska hawada lagu sii daayo kan gacan ka geysta kululaanshaha cimilada dunida. Dadka dunida ugu taajirsan oo boqolkiiba 10 ah ayaa ka qeyb qaata gaaska hawada lagu sii daayo marka loo eego dadka dunida ugu sbaoolsan oo boqolkiiba 50 ah.

Qoraalka Codka,

 

Waa la dhihi karaa bulshada adduunku ma sii koreyso sababtoo ah kheyraadku way sii yaraanayaan. Balse kheyraadka badan ee la isticmaalo ayaa qeyb ka ah isbedelka cimilada marka loo barbar dhigo bulshada sii koreysa.

Shuruucda hilibka iyo safarka hawada ma noqon karaan kuwo saameyn leh?

Chris Morris ayaa ku jawaabay:

Cunitaanka hilibka gaar ahaanna kan lo’da iyo safarku saameyn ayay ku leeyihiin deegaanka.

In toddobaadkiiba aad labo haambeegar cunto muddo sanad ah wuxuu dhaliyaa wasakhowga hawada si la mid ah tan ka dhalatay in guri UK ku yaalla uu ahaado mid diirran muddo 95 maalmood ah. Sidoo kalena duullimaad ka tagay London oo u jeeda New York wuxuu dhaliyaa 0.67 tan oo gaaska carbon dioxide ah.

Caadi ahaan sharciga ka yaalla cunitaanka hilibka iyo ku safarka hawada isbeddel ayuu sameyn karaa balse ma jirto caddeyn taageereysa taas. Gudaha UK guddiga isbeddelka cimilada ee dowladda la taliya ayaa wuxuu soo jeediyay in dadku ay yareeyaan cunitaanka hilibka boqolkiiba 20 wixii loo gaaro sanadka 2030 iyo boqolkiiba 35 wixii loo gaaro 2050.

In la isticmaalo canshuurta si badeecadaha qaali looga dhigo ayaa ka roon beddelkii la adeegsan lahaa sharciga.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ma waxaa jira faa’iidooyin laga dhaxlay isbeddelka cimilada?

Matt McGrath ayaa ku jawaabay:

Waa laga yaabaa inay jiraan faa’iidooyin ku saabsan isbeddelka cimilada, balse saynisyahannada cimilada ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadaya sababtoo ah waa kuwo culeyskooda leh. Faa’iidada ugu weyn waa in kaarboonka ku badan dhulka uu dhirta ka caawinayo inay deg deg u korto. Tan waxaa loo yaqaannaa saameynta bacriminta CO2.

Si kastaba, daraasad la daabacay sanadkii hore ayaa muujineysa in xaaladdu ay ka sii dareyso isla markaana aysan jirin caddeymo taageeraya sheegahsooyinka ku aaddan in maalmaha soo socda ay yaraaneyso kululaanshaha cimilada.

Matt McGrath ayaa ku jawaabay:

Waxaa jira waxyaabo ay isga mid yihiin musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada balse waxaa sidoo kale jira waxyaabo ay ku kala duwan yihiin. Sidii aan ka aragnay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, dalalku way ka hortagi kareen Covid iyagoo yareynaya isu socodka dadka ee dalalka.

Tallaabooyinkaas oo kale loogama guul gaari karo cimilada sii kululaaneysa ee saameynta ku leh dalalka qaniga ah iyo kuwa saboolka ah intaba.

Xili arrinta tallaalka lagu xallin karo waqti iyo lacag, arrinta deegaanka waxay u baahan tahay dhammaan noocyada isbeddellada nolosheenna laga soo bilaabo tamarta, cuntada iyo labiska.

Waa maxay saameynta gaaska methane uu ku leeyahay isbeddelka cimilada?

Matt McGrath ayaa ku jawaabay:

Methane waa gaaska cagaaran oo laga soo saaro ilaha dabiiciga ah sida biyaha iyo sidoo kale ficillada bani’aadamka sida beeraha iyo soo saaridda shidaalka. Waa isku jirka gaasaska carbon iyo hydrogen waxayna suurto gelinayaan celinta kulka oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee sababa isbeddelka cimilada.

Sida laga soo xigtay Waaxda Saadaasha Hawada Adduunka, heerka gaaska methane ee dhulka ayaa sanadkii gaaray 1,889 bilyan.

Wabixin ay horaantii sanadkan soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadaallada lagu yareynayo gaaska methane diiradda lagu saaraa hababka lagu yareynayo gaaska ka soo dusa ceelasha shidaalka, la yareeyo beerdarreynta cuntada, la hagaajiyo dheef shiidka dadkana lagula taliyo inay yareeyaan cunidda hilibka iyo manaafacaadka xoolaha.

Gabadha 16 jirka ah ee canaanta kala dul dhacday Trump iyo madax kale

Trump oo bidhaamiyay in uu dib u eegayo isbadalka cimilada

Wararka ugu waaweyn

Leave a Reply