Koomishanka Doorashooyinka oo War-ka-soo-saaray Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0
256
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay doorashada madaxtooyadu xiligeedii ku qabsoomi doonto.
Guddoomiye Riyo-raac wuxuu xusay in daneeyayaasha beesha caalamku ay ka taageerayaan qabsoomida doorashadda.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay kulan xog waraysi ah oo la yeesheen guddi-hoosaadka joogtada ah ee goalaha wakiillada.
Guddoomiye Riyo-raac isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Doorashadu wakhtigeedii ayay ku qabsoomaysaa, anagu sida aanu illaa hadda ku shaqaynayno, diyaar garowgeedii iyo hawsheedina waanu ku jirnaa, marka haddii ILLAAHEY yidhaaho waxa aanu rajjaynayna in ay wakhtigeedii ku qabsoonto.
Amarkana ILLAAHEY-ba iska leh oo waynu og-nahay, bini’aadamku waxbu ku fikira, marka anagu in ay wakhtigeedii ku dhacdo ayaanu diyaar u nahay.
Daneeyayaasha caalamku waxa ay noo sheegeen in ay doorashada ka qayb qaadanayaan, balse aanay bixinayn lacagta doorashada.”

Leave a Reply