Guryaha iyo shacabka Magaalada Laascaanood oo la diwaan-galinayo

0
229

Laascaanood (Dawan) Dowlada hoose ee degmada Laascaanood, ayaa bilowday ollole ay ku diwaan-galinayso dhamaan guryaha ku yaala 27 ka xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay, iyo dadka ku nool oo qof qof loo diwaan-galinayo.

Duqa degmada Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaaciil, oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Waxaanu maanta halkan ku daahfuraynaa barnaamijka diwaan-galinta guryaha oo aanu in badan soo wadnay qorshihiisa.

Waxaanu diwaan-galin doona dhamaan guryaha ay ka kooban tahay degmada Laascaanood, guri kasta waxaanu ka qori doona xogtiisa oo dhamaystiran, cidda guriga iska leh, hadduu maqan yahay cidda ka wakiil ka ah iyo cidda guriga dagan”

Diwaan-galintan ayaa la rumaysan yahay in ay kamid tahay talaabooyinka xukuumadda Somaliland iyo ka degmada Laascaanood oo iskaashanayaa ay ku sugayaan, ammaanka magaalada iyo guud ahaan gobolka Sool oo sannadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal lagu beegsaday dadka magaca ku leh gobolka.

Leave a Reply