Guddida gacanta ku haysa waddada waddo bariis oo ugu baaqay bulshada in laga qayb qaato dhismaha waddadaasi.

0
276

Hargeysa (Dawan) – Guddida gacanta ku haysa waddada waddo bariis ee gobolka Maroodijeex ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha waddadaasi.

Waddadan oo isku xidhaysa dalka Itoobiya iyo dalkeenna ayaa waxa bulshada farriin cod dheer u diray inay kasoo qeyb qaataan dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi guddida gacanta ku haysa, iyagoo sheegay in guud ahaan bulshada ku dhaqan Somaliland ay kala qayb qaataan sidii loo dhisi lahaa waddadaasi.

Guddoomiyaha guddida gacanta ku haysa wadadaasi Maxamuud Jaamac Quule, gudoomiye ku xigeenka guddidaasi Axmed Xaashi Oday gudoomiyeyaasha degmooyinka  Bali Cabane iyo Sayla Bari oo dhamaantod halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in muddadii ay gacanta ku hayeen dhismaha wadada ay lasoo kulmeen xaalado culus oo ay kasoo gudbeen, waxaanay  ku dheeraadeen duruufihii ay lasoo mareen dhismaha waddada qeybihii ay soo martay, waxaanay ugu baaqeen bulshada kheyrka jecel inay gacan kasoo gaystaan dhismaha wadadaasi.

Gabgabadii cuqaasha iyo culimo u diinka deegamaadaasi ayaa bulshada uga waramay kheyrka ku jira in laga qeyb qaato wadooyinka iyo waxyaabaha khayriga ah, iyagoo bulshada usoo jeediyay inay kheyrkaasi kasoo qeyb qaataan si loo dhamays tiro wadadaasi oo faa’iido ballaadhan u leh guud ahaan dalka.

Leave a Reply