Wasiir Ku xigeenka arrimaha Gudaha oo Xilkii U kala Wareejiyay Badhosaabkii Hore iyo ka Cusub ee Gobolka Gebilay.

0
395

Gebilay (Dawan) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka iyo degmooyinka Somaliland Naasir Caydiid Maxamed ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay badhosaabkii hore iyo badhosaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Gebilay.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xilwareejinta ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Tignoolijiyadda Cabdiweli Suufi Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarina Jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash), xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxa goobtaasi hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Sudlaan Salmaan oo ku hadlaayay afka waxgaradka iyo waayeelka bulshada, waxaana uu tilmaamay inay gobolka kusoo dhaweynayaan badhosaabka cusub ee dhawaanta loo soo magacaabay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, isla markaana ay sii galbinayaan badhosaabkii hore ee gobolka Cabdikariin Aadan Diiriye.

Isu duwaha wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta oo ku hadlaayay afka isuduwayaasha laamaha dalwadda ayaa sheegay inay si wanaagasan u soo wada shaqeyeen badhosaabkii hore muddadii uu joogay gobolka, waxaana uu xusay inay soo dhaweynayaan badhosaabka cusub kii hore ay sii sagootiyayaan.

Kaltuun Haaruun oo ku hadlaysay afka garabka haweenka ee gobolka Gebilay ayaa sheegtay inay uga mahadcelinyaan badhosaabkii hore sidii xilkasnimada lahayd ee ay ula soo shaqeeyeen haween ahaan, iyadoo tilmaantay in sidoo kale ay la shaqayn doonaan badhosaabka cusub ee gobolka.

Guddoomiyaha degmada Wajaale Cabdiraxmaan Yuusuf, xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada iyo maayarka degmada Gebilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi oo iyaguna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan badhosaabka cusub kii horena sii sagootinayaayn, iyagoo Ilaahay uga baryay inuu ku asturo xilalka.

Badhosaabkii hore ee gobolka Gebilay ahna badhosaabka cusub ee gobolka Sool Cabdikariin Aadan Diiriye ayaa uga mahadceliyay bulshada gobolka Gebilay sidii milgaha lahayd ee ay u lasoo shaqeeyeen, isagoo ugu bushaareeyay badhosaabka cusub inuu yimi gobolka bulsho ahaan isku xidhan. Badhosaabka cusub ee gobolka Gebilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa ayaa uga mahadceliyay bulshada gobolka Gebilay soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku shaqeeyo gobolka Gebilay, oo bulshadiisu ay beeralay tahay, taasoo waxsoosaarka guud ee dalka kaalin weyn kaga jirta. Badhosaabku waxa uu intaas ku daray inuu ka shaqayn doono inta uu joogo sidii ay u dhammaystirmi lahayd gobolnnimada Gebilay.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyadda Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa soo dhaweeyay badhosaabka cusub ee gobolka Gebilay, iyagoo ku booriyay inuu ka shaqeeyo hawlaha horumarinta ee dhinacyada dhaqaalaha, waxsoosaarka iyo la dagaalanka maandooriyaha.

Gebogebadii waxa xilka labada badhosaab si rasmi ah ugu kala wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee gobollada iyo degmooyinka dalka Naasir Caydiid Maxamed.

Leave a Reply