Dhegoolihii Hadafkiisa Gaadhay

0
579

Sheekooyinka xikmadda ku dhisan ee la soo tebiyay waxa ka mid ah in seben hore tartan loo qabtay Bakeylayaal badan, waxaana loo sheegay in midka gaadha buurta fiigteeda sare uu  kuu guulaysan doono tartanka.

Tartanka waxa ka soo qayb galay oo dawanayay bulsho badan.  Markii tartanku bilawday ayay dadkii qaylo badan oo niyad jebin ah kor ugu dhawaaqeen, oo ay ka mid ahaayeen “ mid keliya ahi ma gaadhayo, waa ay daalayaan keliya,” .” Maxaa laga dhibayaa marna bakayle awood uma laha gaadhidda figta, tartanka ku guulaysan maayane”.

Bakaylayaasha ayay kuwo badan iska fadhiisteen, iyago orumaystan buuqa dadka iyo weedhooda. Sida kolba qaar u fadhiisanyen, waxa soo hadhay mid keliya oo isagu oo isagu aan mur keliya dhimin xawaarihiisa, ilaa uu ugu danbayntii gaadhay figtiii.

 

Dhamaan bulshadii waxa ay is weydiiyeen sababta uu Bakaylahani u gaadhay figta ee aanu marna xawaarihiisa u dhimin.  Markii danbe waxa la ogaaday in bakaylaha figta gaadhay uu ahaa mid dhegoole ah oo aan maqlayn eryadii niyad jabka ahaa ee ay ku qaylinayeen dadkii daawanayay.

Xikmadduna waa in aad dhegaysan weedhaha dadka badankoodu ku dhawaaqayaan oo u badan niyad jebin, mark aad yoolka aad higsanayso dariiqiisa hayso. Dadka badankoodu waxa ay ku sheegayaan aragtida ay ka aaminsan yihiin gaadhida hadafkaaga, taasi oo iyaga ugu muuqata mid aan caqli galayn ahayn dhinaca fikirkooda.

Marka aad rabto inaad hadaf gaadho adigu jeexo dariiqa aad u marayso, isku kalsooni , karti iyo wakhtina geli.

 

 

 

 

Leave a Reply