Khalad Kooban Ayaa Qariya Wanaagg Badan?Khalad Kooban Ayaa Qariya Wanaagg Badan?

0
280

Macalin ayaa soo qaaday sabuurad weyn oo cad waxaana uu ku dhejiyay Gidaarka. Badhtanka sabuuradda ayuu ku sameeyay dhibic  madow.  Markaasi ayuu ardaydii weydiiyay maxaad gidaarkan ku aragtaan ? dhamaantood waxay ku jawaabeen dhibic madaw. Haddana wuu ku  celiyay kolba mid ayaa isku daya oo yidhaa “Dhibic” , ama Goobo and Globe dunida. Markii ay halkaasi dhaafin waayeen ayay ka codsadeen Macalin noo sheeg?

Macalinka ayaa ardaydii ku yidhi: “ Gidaarka waxa ku dhejisan Sabuurad Cad oo saafi ah. Laakiin Idinku waxaad arkaysaan dhibicda yar ee madow oo keliya. Sidaasi ayay aadamigu xumaan yar u wada arkaan iyagoo wanaagga faraha badan indhaha ka laliya.

Leave a Reply