Hargeysa (Dawan) Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka ayaa tababar u qabtay laamaha ciidamada kala duwan ee kala ah Ciidanka Booliska , ciidanka Socdaalka iyo ciidanka ilaalada xeebaha.
ujeedada tababarkan oo ahayd mid kor loogu qaadayo hab-dhaqanka dadka socotada ah ee sugan dalka ama sii dhax maraya.
Sidoo kale waxa tababarkan xooga lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka socotada ah, noocyada ay yihiin iyo sidii ugu haboon ee laamaha kala duwan ee dowladdu uga qayb qaadan lahayeen doorka ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah.