Dawladda Hoose ee  Degmada Laascaanood oo Shaacisay Shirkadda ku Guuleysatay Dhisme lagu Kordhin doono Suuqa Degmadaasi.

0
753

Laascaanood (Dawan) – Dawladda hoose degmada Laascaanod ayaa shaacisay shirkadda ku guulaystay dhisme lagu kordhin doono suuqa sariibada laascaanood oo ay maal galinayso dawlada hoose ee degmada laascaanood.

Mashuuracan oo ay ku tartameen sedex shirkadood ayaa waxa ku guulasatay Shirkada Dhismaha  Toosan  ayaa waxa tartankii loo galay dhsimaha mashuuraca soo diyaarisay gudida qandaraasayada ee dawlada hoose ee laascaanood.

Waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socday dhamaan shirakadihii ka qeyb galay tartanka kuwaas oo shirkadihii laga guulastay ay bogaadiyeen shirkada guulaystay islamarkaa ay sheegeen in tartanku uu u dhacay si cadaalad ah.

Maayirka magaalada laascaanood maayir ku xigeenka iyo xog hayaha dawlada hoose ee laascaanood oo dhamaan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkada guulastay laga rabo in qaranka u dhisto dhisme tayo leh waxaanay intaa ku dareen in ay soo wadaan mashaariic balaadhan oo anfci doono bulshada ku dhaqan degmada laascaanood waxaanay intaa ku dareen in bisha soo socota ay soo bandhigi doonaan tartanka mashuuraca balaadhinta wadada weyn ee dhex marta magaalada.

Leave a Reply