Agrafa: Maxay tahay magaaladii ay geli waayeen ciidamadii Cismaaniyiinta?

0
91

Magaalada Agrafa.

Agrafa waa magaalo ku taalla dalka Giriigga oo dad badan aysan ka warheynin taariikhdeeda, waana magaalo ay booqdeen dad fara ku tiris ah.

Waxaa magaaladaas ku hareereysan buuro, waxay ku taallaa bartamaha Giriigga, waana magaalo ka go’an dunida inteeda kale.

Ereyga ‘Agrafa’ waxaa loogala jeedaa ‘Wax aanan la qorin’. Markii ergadii ka socotay dowladdii Romaaniyiinta ee Byzantine ay markii ugu horreysay gaareen magaaladaas waxay dareemeen in ay fogtahay, sidaa darteed kuma aysan darin dhulkii ay maamulayeen, waxay sheegeen in dhulkan aysan cidna laheyn.

Sidoo kale dowladdii Cismaaniyiinta ayay ku adkaatay inuu maamulo magaaladan maadama uu geli waayay.

Agrafa waxay ka mid tahay magaalooyiinka fara ku tiriska ah ee ku yaalla Giriigga oo aysan weligeed gacanta ku dhigin Cismaaniyiinta.

 

Agrafa waa magaalo qurxoon oo ay ku harreereysan yihiin buuro, webiyo iyo harooyin

Sannadkii 1823, ciidamadii Cismaaniyiinta markii ay isaga baxeen magaalada xeebta ku taalla ee Mesolonghi, waxay sii mareen magaaladan Agrafa kadib markii si khaldan loola taliyay.

Waxay ciidamadii Cismaaniyiinta ku lumeen keymihii iyo buurihii ku yaallay halkaas, waxaana weerar gaadmo ah ku qaaday dagaalyahano u dhashay Giriigga oo gaarayay 800.

Waxaa weerarkaas ku dhintay dhammaan ciidamadii Cismaaniyiinta, waana dagaal astaan u noqday gacaankii Giriigga ee xilliyadaas.

Wixii dagaalkaas ka dambeeyay ciidamadii Cismaaniyiinta, weligood ma aysan tegin magaalada Agrafa, sanado ka dibna waxaa la wareegay maamulkii cusbaa ee Giriigga ee xornimada qaatay.

Waxay magaaladaas noqotay mid cidlo ah oo go’doon ah. Qarnigii 19-aad dadkii degenaa Agrafa, waxay bilaabeen in ay isaga qaxaan halkaas, si ay nolol wanaagsaan uga raadsadaan dunida inteeda kale.

Dadkaas qaarkood waxay u qaxeen dhinaca buuraha Athens, halka qaarkood ay gaareen Mareykanka gaar ahaan deegaanka Charlotte, ee gobolka North Carolina.

 

Buuraha ku harreereysan Agrafa

Alex Sakalis oo booqday tuulada Freigsta ee ka tirsan magaalada Agrafa, ayaa sheegaya in ay ku taallo dhul buuraley ah oo ay dhinacyada ka maraan kanaallada biyo ah.

Wuxuu sheegay in markii uu gaaray halkaas uu la kulmay labo nin oo walaalo ah oo waayeel ah, kuwaas oo ku hadlayay luqadaha Giriigga iyo Ingiriiska, waxaana labada nin lagu kala magacaabaa Dino iyo Van.

Mid ka mid ah labadan nin ayaa sheegay: “Markiii aan yaraa, iskuulka ku yaalla halkan waxaa dhigan jiray 70 ardey, hal fasal ah ayaan wax ku wada dhigan jirnay, cimilada waxay aheyd mid aad u qabow, haddana iskuulkii 20 sano ka hor ayaa la xiray”.

Ka dib dagaalkii labaad ee adduunka, deegaanka wuxuu gacanta u galay nidaamkii Nazi-ga oo ahaa awooddii ugu horreysay ee qabsatay Agrafa.

“Waan aragnay ciidamadii Nazi-ga, waxaan ku dhuumanay godad, muddo labo maalmood ayay joogeen, waxay dab qabadsiiyeen guryaha,” ayuu yiri Dino oo haatan 91 sano jir ah.

 

Waa dhul doog ah oo ay xoolaha daaqaan

Ciidamadii kacdoonka waday ee deegaanka, waxay ahaayeen kuwa awood leh.

Agrafa ayaa noqotay magaaladii ugu horreysay ee ku taalla Giriigga oo ku dhaawqday in xornimo ay ka qaadatay maamulkii Nazi-ga, bishii August sannadkii 1943.

Giriigga waxaa horey uga dhacay dagaallo uu dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay dadkii ay waddaniyadda madax martay iyo shuuciyiinta.

Dagaalladaas waxay saameyn ku yeesheen magaalada Agrafa, waxaana xigay dagaallo sokeeye oo ay dad badan ku dhinteen.

Sannadkii 1951, Dino wuxuu ahaa 21 sano jir, wuxuu raacay doon u jeeday dhinaca New York, wuxuu uga sii gudbay deegaanka Charlotte ee isla Mareykanka.

Markii dambe wuxuu dib ugu soo laabtay New York, halkaas oo maqaaxi uu ka furtay.

Van iyo Dino, waxay hadda ku nool yihiin New York balse waxay mar kasta dalxiis u tegaan dhulkoodi hore ee ay ka soo jeedeen ee Agrafa.

Waxay sheegeen in Agrafa ay tahay meel raaxo ah oo soo jiidasho leh.

Agrafa waa magaalo qurux badan oo geedo cagaaran leh, waxaana mar loogu yeeri jiray “Switzerland of Greece.” Maanta maagaladan waxaa ku nool 11,000 qof, wuxuu deegaanka korontada soo gaaray 1980-meeyadii.

“Waxaan ku jiraa noloshii hore, waa deegaan aad ugu wanaagsan xoolaha iyo dhirta oo nabdoon, waxaa adag in lagu noolaado halkan, maadama qabow badan uu ka jiro, waana dhulka ka go’an dunida inteeda kale”, ayuu yiri Thomas Natavarinus oo kamid ah dadka deggan Agrafa.

 

 

Leave a Reply