Faysal Cali Waraabe oo Cabdidiraxman Cirro ku eedeeyay in Dowladda  Soomaaliya ku shaqaysanayso

0
481

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI,  Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku eedeeyay in Xamar looga soo dhiibay hadalkiisii ahaa in ‘China Taiwan ka muhiimsan yahay’.

Faysal ayaa ku andacooday in hadalkaasi ahaa shirqool ay dowlada Soomaaliya soo maleegtay, isagoo sheegay in Xamar ku mashquulsan tahay daminta iftiin kasta oo Somaliland usoo kordha.

Waxaanu yidhi. “Maalintii dhawayd Cabdiraxmaan Cirro Taiwan ayuu ka hadlay, Taiwan arrinteedu arrin Xamar ka timid ayay u egtahay, waayo Xamar iftiinkii inoo baxaba in ay inaga bakhtiiso ayay doonaysaa, inaga ayayna ina isticmaalaysaa”

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay u simanyihiin Jamhuuriyada China iyo Taiwan, isla markaana ay soo dhawaynayaan in ay xidhiidh Somaliland la yeelato labada dhinacba “China iyo Taiwan labadaba waynu u furanahay”.

Leave a Reply