Aqoonta Cilmiga Iyo Khiyaamada!

0
763

Boqorkii lagu magacaabi jiray Heri II  wakhtigii u xukum jiray “Syracuse”,  oo wakhtigan Talyaaniga ku taalla ayaa dahab badan u geeyay nin hawlaha boqorka qaban jiray waxaana uu ka dalbaday inuu taaj weyn oo qurux badan uga sameeyo.

Laakiin markii uu u keenay Taajka boqorka, waxa shaki ku dhacay boqorka iyo in aanu Taajku wada ahayn mid dahab laga sameeyay oo ay qayb lacag ahi ku jirto.  Arinkaasi ayaa keenay muran xoogan oo dhex maray boqorka iyo ninka Taajka u sameeyay.

Markii arinkaasi socday muddo oo lagu kala bixi waayay ayuu faylasuufka Archimedes oo wakhtigaasi noola raadiyay inuu arintan cadeeyo Maalmo badan ayay kuqaadatay.

 

Haddaba isagoo maalin Faylasuf Archimedes ku maydhanaya xamaamada caamka ee dadka ka dhexeeya ee magaalada Syracuse ayuu aad ugu fiirsaday cadaadiska biyaha xaga sare kaga imanaya ee uu ku maydhanyay. Isagoo aan is ogayn oo aan dharkii xidhan ayuu sida qof waalan magaalada dhex maray waxaana uu ku qaylinayay “ Urika” Urika” oo ah waan helay.   Muxu helay?

Markiiba wuxu codsaday in loo keeno Taajka , qiyaas macdan iyo lacag ah oo isaga la miisaan ah iyo biyo. Saddexda ayuu mid kasta mar geliyay weelka biyuhu ku jiraan, ka dibna biyihi ayuu miisama marka uu ka soo saaro.

Waxaana halkaasi uga soo baxay in qiyaasta  biyaha ku jira ay ka weyn tahay xadiga dahabka uu ka samaysan yahay Taajku, kana yar tahay xadiga lacagta uu ka samaysan yahay. Waxaana cadaatay in Taajku aanu ahayn dahab saafi ah iyo lacag saafi midna laakiin uu isugu jiro dahab iyo lacag.

Taasi oo ah sidii boqorkuba shakiga ka qabay. Halkaasi ayuu ku qirtay ninkii inuu khiyaamo sameeyay. Waxaana cadaynta arintan loo yaqaana “masaladii cilmiga ahayd ee tuugada fashilisay”.

Faylasuufkani wuxu ahaa Archimedes wuxu ku dhashay magaalada, “Syracuse”,  aabihii wuxu ahaa  mid aqoonta xidigiska aad u yaqaana (astronomer).

 

Leave a Reply