Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland Waxay Fursad u Tahay Washington” RCW

0
472

Washington (Dawan)- Machadka horumarinta iyo cilmi-baadhista siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa xukuumaddooda ku boorrisay in ay aqoonsato madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaas oo Maraykanka u ah fursad istaraatiiji ah.

Warbixin u udiyaariyay Joshua Meservey oo ah falanqeeyaha sare oo ka tirsan machadka Heritage, ayaa lagu sheegay in aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland uu fursad u siinayo dawladda Washington in ay dhisto siyaasad ku salaysan xaqiiqooyin si wanaagsan u taageeri kara dimuqraadiyadda.

Warbixinta Joshua Meservey ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay noqonayso fursad istaraatiiji ah oo si firfircoon u difaaci karta danaha dawladda Maraykanka ee aagga uu Shiinuhu gacanta ku hayo, iyo xoojinta mid ka mid ah meelaha yar ee xasilloon ee ku yaalla gobolka qulqulatada sii kordheysa.

Warbixintan ayaa lagu bilaabay sidan:- Maamulka Biden waxa uu dhiirri-gelinta dimuqraadiyadda ka dhigay tiir ka mid ah siyaasaddiisa arrimaha dibadda, haddana waxa ay luminaysaa fursad, maadaama oo aanay wali aqoonsan Jahuuriyadda Somaliland oo ah dalalka dimuqraadiyaddu ka go’an tahay ee beesha caalamka. Taa beddelkeeda.

Maraykanku wuxuu sidoo kale luminayaa fursad uu ku soo koobo booskiisa qayb istaraatiiji ah oo adduunka ah. Somaliland waxay qiyaastii 70 mayl u jirtaa xudunta marin biyoodka Babul-Mandeb, oo ah marin-hawleed ku xidhma maraakiibta, taas oo fududaysa inta badan ganacsiga Aasiya iyo Yurub. Somaliland waxa ay ku dhowdahay 500 oo mayl xeeb ah Gacanka Cadmeed, oo ay ka wada siman yihiin Bariga Dhexe iyo Yemen, halkaas oo ay ku dagaallamaan malleeshiyada Iran taageerto iyo Al-Qaacidada, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Waxa ay leedahay awood dhaqaale oo laga galo Bariga Afrika, gaar ahaan dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan, oo aan bad lahayn, Itoobiya, oo gebi ahaanba ku tiirsan dekedda dalka Jabuuti ee Somaliland jaarka la ah.

Goobta istaraatiijiyadda ah ee ay ku taallo Somaliland ayaa sii xoojinaysa arrimaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland. Iyada oo dekedda Jamhuuriyadda Somaliland ee Berbera na ay tahay kuwa ugu wanaagsan gobolka.

Somaliland mar hore ayay xorowday. Sannadkii 1960-kii, Britain ayaa xornimadeeda siisay kadib 73-sanno oo ay ilaalinaysay dhulkaas. Somaliland waxay xorowday muddo shan maalmood ah ka hor intii aanay si iskeed ah ugu biirin koonfurta Soomaaliya oo ay isla markiiba ka dhacday midow dhib badan. 1961kii, oo ay ka cadhoodeen in reer konfurtu ay ku maamulanayeen habkii loo qori lahaa dastuur, ayay reer Somaliland diideen in ay ku ansixiyaan ku biirista dastuurka. Dabayaaqadii sanadkaas ayaa koox gooni u goosad ah oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Somaliland waxay qaadeen afgambi dhicisoobay. Kaligii-taliyihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa inqilaab iskiis ah kula wareegay 1969-kii, wuxuuna aakhirkii olole naxariis darro ah ku qaaday Somaliland isagoo isku dayay inuu burburiyo jabhaddii halkaas ka billaabatay sannadihii 1980-kii.

Somaliland waxay mar labaad ku dhawaaqday madax-banaanideeda wax yar ka dib dhicistii Barre 1991. Waxay bilawday inay dhisto sifooyinkii Qaranimada, maanta waxay leedahay ciidan u gaar ah, lacag, doorasho, siyaasad dibadda, iyo baasaboor. Waxay diidan tahay in lala midoobo koonfurta Soomaaliya. Dowladda Muqdisho wax yar kama qaban karto qaranimada Somaliland. Hadda iyo mustaqbalka fog, Soomaaliya ma laha awood ay dib ugu qasbi karto federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana Somaliland way madaxbannaan tahay marka laga reebo dhinaca farsamada ugu badan. Kaas oo ah dal madaxbannaan muddo 30 sanno ah.”

 

Leave a Reply