Hargeysa (Dawan) – Boqolaal dadwayne ah ayaa suuqa Hargaysa ku dhex eryaday inan (gabadh) dhalinyaro ah oo iyada oo xidhan shaadh iyo surwaal suuqa ku dhexmarasay xalay cawaysinkii.
Inantan ayaa badhtamaha suuqa caasimada Somaliland ee Hargaysa soo martay iyadoo ku labisan shaadh iyo surwaal, ficilkaas oo marqudha kusoo jeediyay dadkii suuqa joogay, isla markaana ay boqolaal qof kusoo xoomeen, kadibna ciidanka booliiska ayaa xabsiga u taxabay.
Mahad Xasan Geelle, oo ka mida saraakiisha ciidanka booliska, ayaa sheegay in booliisku u xidheen si ay nafteeda u bad baadiyaan.
Waxaanu yidhi.”Ciidanku waxay badbaadiyeen nafteeda oo waxay ka reebeen dad shacab ah oo ka gadooday qaab labiskeda”
Ciidanka ayaa gabadha ku xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa, kadib markii laga reebay boqolaal qof oo nafteeda khatar galiyay.