Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacaaysaha Qaranka oo Tabobar U Furtay Isu Duwayaasha Gobollada ee Hay’adda.

0
630

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacaaysaha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa tababar u furay isu duwayaasha gobollada ee Hay’addaasi.

Tababarkan oo ay ka qeyb qaadanayeen Isu Duwayaasha Hay’adda Qaxooniga Iyo Barakacaaysha Qaranka oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta isu duwayaasha  ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay  Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee hay’addaasi Mustafe Cabdi Xuseen, oo sheegay in tabobarkani uu la xidhiidho labaataneeyo tabobar oo hore ay shaqaalaha hay’addu u soo qaateen.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Faadumo Cabdillaahi Cumar ayaa sheegtay in tababarkani uu socon doono muddo laba maalmood ah, isla markaana lagu qaadan doono xog iyo aqoon la xidhiidha shaqada hay’adda qaxoontiga iyo barkacayaasha qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacaaysaha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif ) ayaa sheegay in aqoon iyo khibrad ay isweydaarasan doonaan muddada labada cisho ah, taasoo ka qayb galayaasha laga sugayo inay soo gudbiyaan aqoontooda la xidhiidha xogaha iyo sidaa loo soo ururiyo, waxaana uu intaas ku daray in muhiimadda kulankani ay tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta tooska ah ee waaxaha hay’adda.

Leave a Reply