Raaligelintu Dadka Ma Wada Gaadho!

0
664

Ninka caqli badan ayaa doonayay inuu fahansiiyo wiilkiisa duruusta waayo-aragnimada. Waxa uu yeedhay wiilkiisa waxaana ay suuqa u kaxaysteen Dameerkooda iyagoo labadooduba dhabarkiisa  wada saaran.

Dadkii oo dhan waa ay wada eegayeen iyagoo la yaaban oo ku lahaa :” Waa Dameerka u naxariista oo ka wada dega, labadiina ma wada qaadi karo, laba nin oo xoog ah ayaa tihiin?”.

Odayga Aabaha ah ayaa ka degay oo wiilkiisa ku yidhi adigu iska fuushanow. Haddana mar kale ayay dadkii yidhaahdeen: ” Muxu ahaa wiilkan aan naxariista lahayn ee Aabihii Dameerka ku wado. Wiilkii markii uu adkaysan waayay ayu u ku yidhi “ Aabo soo fool , anigaa ka degayee”. Haddana weedhaha dhaliisha dadku ma ay is taagin waxaana ay ku dhawaaqeen : “ Waa maxay  Odaygan wiilkiisa yar dhibaya ee isagoo xoog ah dameerka saaran!

Aabihii ayaa haddana yidhi :” Soo deg wiilkaygow, waynu wada lugayna , damiirkuna wuuinla socon.”.

Markii ay labaduba ka degeen ee ay lugta bilaabeen, maalintu ahayd maalin qorraxdu kulushahay dadku aad ayay u eegayeen iyagoo la yaaban oo weedhan leh :” Maanta iyadoo Cadceedu kulul ayay haddana iyagoo dameer haysta lugaynaya, caqli xumaa labadani maxay u fuuli waayeen ?”.

Odayga oo cashar siinayay wiilkiisa ayaa ku yidhi “ Weligaa ha isku deyin inaad dadka wada raali geliso, laakiin wixii aad wanaag u aragto ku dhaqaaq, marna ma waayi kartid dhaliil”. Dadka mar kasta dhinac khariban waxa ka eegaa , wakhti danbe ayay ogaadaan in arinka ay dhaliileen uu ahaa mid sax ah. Adigu waa inaad samayso waxa aad ku qanacsan tahay, weedhaha dadka ha isu dhiibin. Raaligelinta dadka oo dhami maaha wax la gaadho. Waxaana ay ku horseeda haddii aad isku deydo inaad wada raaligeliso fashilka.

 

Leave a Reply