Xayawaano Shabaha Nolosha Aadamiga!

0
595

Xayaanku waa mid aad u kala duwan muuqaal ahaan, iyo nolol ahaanba. Qaarkood waa duurjooga

Maroodiga ayaa ka mid ah noolah u wada nool qoys ahaan sida Aadamiga. Xayawaanka Maroodiga ayaa la cadeeyay in qoyskiisu yahay mid isku xidhan mana kala tagaan ilaa marka midkood dhinto mooyee. Taasina waxa uu ka shabahaa banii’aadamka.

Waxa kale oo la sheegay in Maroodigu uu xabaalo kuwa ka dhinta sida aadamiga, iyagoo weliba soo booqda meelaha ay ku aasaan kuwa ka dhinta.

Arrimaha kale ee la ogaaday nolosha Maroodiga ayaaa in haddii uu  la kulmo qof aadami ah oo dhintay ama uu isaguba dilo in uu xabaalo oo Aaso.

Xayawaanka Maroodiga marka uu midkood dhinto waa uu u murugoodaa oo weliba baroortaa, taasi oo ay kaga duwan yihiin dhamaan xayawaanada kale isla markaana uu aad uga shabahayo Aadamiga.

Leave a Reply