Badhasaabka Sool Oo Kormeeray Taliska Qaybta Booliska iyo Saldhiga Dhexe Ee Laascaanood

0
400

Khaddar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa shalay kormeer indho-indhayn ah ku tegay xarunta taliska qaybta ciidanka booliska iyo saldhiga dhexe ee magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, markii uu gaadhay xarunta taliska qaybta waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed C/laahi Cabdi.

Waxaanu badhasaabku soo indho-indheeyay qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay xarunta taliska qaybta booliska gobolka Sool, iyadoona uu taliyaha qaybtu warbixino iyo xog waran ka siiyay badhasaabka.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sool gaashaanle sare Axmed C/laahi Cabdi, ayaana badhasaabka uga warbixiyay hanaanka ay u shaqeeyaan ciidamadda boolisku, iyo sida ay u hawl galaan qaybaha kala duwani.

Waxaanu sheegay in boolisku ay ka shaqeeyaan sugidda amniga, isagoona xusay inguud ahaanba xaaladda gobolka Sanaag iyo ta magaaladda Laascaanood ba ay haatan aad u wanaagsan tahay, isla markaana wax dhibaatooyin ah aanay ka jirin.

Geesta badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, waxaa uu isla maanta kormeer ku soo maray saldhiga dhexe ee booliska ee magaaladda Laascaanood, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka booliska.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo khudbad u jeediyay ciidamadii halkaasi joogay ayaa kula dar-daarmay, isla markaana ku adkeeyay in ay si hufan u gutaan shaqadda ay qaranka u hayaan.

Waxaanu badhasaabku ciidamadda booliska iyo saraakiishoodaba ku adkeeyay in ay si buuxda uga shaqeeyaan hawlaha sugidda amaanka, isla markaana ay si wanaagsan ugu addeegaan bulshadda gobolka Sool.

Leave a Reply