Magaalooyiinka Biyaha Badda Dul Sabbeeya

0
131

Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreeysay magaalooyin ka dhisaya badda dusheeda, waxaana mashruucan ka tageereysaa Qaramada Midoobey. Mashruucan ayaa la filayaa in la dhameystiro dabayaaqada sanadkan. Ujeedka magaalooyinkan looga hirgelinayo badda dusheeda ayaa ah sidii looga hortaggi lahaa dhibaatootyinka ka dhasha cimilada kulul iyo sare u kaca biyaha badda. Waxaana kamid ah magaalo laga dhisayo meel u dhaw xeebaha Busan oo inta badan ka hortagga muujadaha badda iyo daadaadka.

Injineerada naqshadeynayo mashruucan ayaa ku rajo weyn in dhistaanka magaalooyin dhowr ah oo isku filan isla markaana leh korontada cadceeda laga dhaliyo, lagana heli karo adeegyada cuntada iyo biyo nadiif ah.

Mashrcuucan ayaa qeyb ka ah heshiis lala galay Qaramada Midoobey kaas oo looga golleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha ku dhawaad 6 dal oo ku yaalla dunida. Busan waxaa ku nool 3.4 malyan oo qof, waxaana ku yaalla mid kamid ah dekedaha ugu mashquulka badan adduunka, waxay kamid tahay meelaha ugu halista ugu jira saameynta ka dhalan karta sare u kaca heerka biyaha badda.

Khuburrada waxay saadaalinayaan in dabayaaqada sanadkan ay sare u kici karaan heerka biyaha badda taas oo saameyn ku yeelan karta nolosha malaayin qof oo ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha ee adduunka. Kuuriyada Koonfureed ayaa halis ugu jirtaa masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, dhul go’a, fatahaadaha iyo dhul gariirka.

Waxay ku rajo weyn yihiin in magaalooyinka laga dul dhisayo badda ay ka hortaggi karaan halista noocaas ah. Waxaana lagu wadaa in marka la dhameystiro mashruucan in la dejiyo 10,000 qof. Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan maadama dalkan ay dhibaato ku hayaan sare u kaca biyaha badda.

Sida ku xusan daraasad la sameeyay, dalka Netherlands wuxuu dhaqaale badan ka sameeyaa guryaha laga dul dhisay biyaha badda, kuwaas oo qaarkood uu ka muuqdo naqshadihii hore ee taariikhda u ahaa waddankaas. Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan maadama dalkan ay dhibaato ku hayaan sare u kaca biyaha badda. Sida ku xusan daraasad la sameeyay, dalka Netherlands wuxuu dhaqaale badan ka sameeyaa guryaha laga dul dhisay biyaha badda, kuwaas oo qaarkood uu ka muuqdo naqshadihii hore ee taariikhda u ahaa waddankaas.

Mike van Wingarden, oo ku nool duleedka magaalada Amsterdam, wuxuu lo’diisa marsiiyay buunddo ku taalla badda si uu u geeyo dhul cows leh oo dul sabeynayo biyaha badda, si uu ugu soo daajiyo halkaas. “Habeen ka hor inta aysan lo’da imaanin halkaas, cabsi ayaa nala soo deristay balse markii dambe xaaladda wey wanaagsanaay”.

Mike van Wingarden iyo xaaskiisa waxay ka soo laabteen Mareykanka, waxay bilaabeen fikradda ah in dhul cows leh oo badda dul sabeynayo laga hirgeliyo halkaas.

Markii uu ku laabtay Netherlands, sannadkii 2019, wuxuu beer dul sabeyneyso biyaha badda ka hirgeliyay aaggaas, wuxuu geeyay neefaf lo’ ah oo loogu xannaaneeyo beeraha ku yaalla biyaha dushooda. Waana beertii ugu horreysay ee noocan ah ee laga hirgeliyo adduunka, lo’da uu ku xanaaneeyo halkaas waxay soo saartaa caano iyo bur-cad, waxaana suuqa lagu geeyaa baaskiil iyo basas ku shaqeeyay korontada.”Waxay ila tahay in mustaqbalka laga faa’idi doono beeraha noocan ah ee dul sabeeya biyaha,” ayuu yidhi Van Wingarden. “Su’aasha la is weydin kara ayaa ah, magaalooyinka adduunka ma noqon karaan kuwa u siman in ay hirgeliyaan mashruucan guryaha iyo beeraha ee laga dul dhisayo badda”.

Iyaga oo taageero ka helayo Qaramada Midoobey iyo waaxda Oceanic’s waxay bilaabeen dadaallo iyo qorsheyaal guryo badan looga dhisayo badda, kuwaas oo gaaraya 10,000 oo guri oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu gaareyso 75 Hectares. Madaxa fullinta ee waaxda Oceanic’s, Mark Collinschen, wuxuu ku taliyay in la dhiso degmooyin badan oo ku saabsan guryaha badda dul sabeeya sida Jakarta iyo Shanghai, kuwaas oo wajahaya dhibaatooyinka ka dhalan kara sare u kaca biyaha badda, waxaana lagu wadaa in ay qaadaan tallaabo noocan ah.

“Waxaan dhiseynaa guryo joogto ah oo ka hortaggi kara xaaladaha daran ee soo ifbaxaya.. mustaqbalka waxaan ku rajo wenahay in magaalooyin badan laga dhisi doono guryaha noocan ah, waana arrin aan rumeysanahay,” ayuu yidhi Mark Collinschen. Qarniyo badan oo la soo dhaafay waxay dadka ku noolaayeen guryo noocan ah oo badda laga dul dhisay oo ay beeraha ka falan jireen.

“Waxaan soo uruurinay macluumaad la xidhiidha ilaa 64 magaalo oo dunida ku yaalla kuwaas oo dadkooda ay ku tiirsanaayeen beero dul sabeeya biyaha. Nidaamkan waa mid joogto ah,” ayay tidhi Julia Watson oo bare ka ah jaamacadda Harvard.Arrintan waa mid sii jiri doonta, tusaale ahaan, dadka ku nool deegaanka dul sabeeya badda waxaa ka mid ah kuwa ku nool harada Titicaca ee dhacda xadka Bolivia uu la wadaago Peru.

Beeraha badda dul sabeeya waa kuwa caadi ah oo lagu arko dalka Bangaladesh gaar ahaan xilliyada dabeylaha.

 

 

Leave a Reply