Cadaaladda iyo Qiimaha Nolosha

0
710

John lewis oo 73 sano jiray, isla markaana ahaa hantiile cadaan ah oo ku nool Blackstock oo ah gobolka Caroline ee dalka Maraykanka,  ayaa goob ka mid ah magaalada laga helay maydkiisa sanadkii 1913.  Dilka ninkaasi cadaanka waxa loo soo xidhay laba nin oo walaalo ah oo ka soo jeeda bulshada madowga ah isla markaana ahaa maalqabeenada deegaanka, waxaana lagu kala magacaabi jiray Thomas iyo Meeks.

Labadan nin ee madowga ah wixii ay hanta lahaayeen oo dhan markii dilka lagu eedeeyay waa ay xaraasheen si isagu difaaacan. Dhamaan garyaqaanadii iyo dadkii kale ee difaacayay ayay hantidoodu ku dhamatay.

Inkasta oo oo ay isku deyeen inay is difaacaan haddana ugu danbaystii maxkamadii waxay ku xukuntay in labadooda dil loo adeegsado laydhka, madaama ay dileen nin caddaan iyaguna ay yihiin madow.

Wakhti danbe waxa cadaatay in dilka ninkaasi cadaanka uu geystay nin tuug ah oo isaga laftiisu bulashada cadaanka ka soo jeeda magaciisuna ahaa “Stephen”.

Sababta walaalaha madowga ah loo dilay ayaa ahayd in dadka cadaanka ahi ay aad uga cadhaysnaayeen hintada ballaadhan ee dhulka iyo beeraha ah ee ay leeyihiin. Cadaaladda dadka cadaanka ee Maraykanka waa muuqaalka ay lahayd sanadkii 1913.

Leave a Reply