Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u Qaaday weerarro ka dhan ah maleeshiyada Daacish

0
622

Beni (Dawan) — Dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa salaada maanta ah si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF), sida ay xaqiijiyeen labada dal.

Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xidhiidha duqeymahan.

“Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda maanta ku bilaabeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fadhiisimaha argagixisada ADF ee DRC,”Ayuu ku yidhi farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka afhayeenka xukuumadda Congo Patrick Muyaya.

Daacish ayaa sheegtay in xubno ka tirsan oo jooga gudaha dalalkaas ay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ee 16-kii November lagu dilay toddobo qof oo ay ku jiraan saddexdii is qarxiyay, isla markaana  ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Mid ka mid ah madax dhaqameedka iyo qof kale oo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo subaxnimadii Salaadada ka dhacay dhulka Watalinga, ee waqooyiga gobolka Kivu, ee xuduudka bari ee Congo.

Julien Ngandayabo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tidhi “Argagax dhab ah ayaa ka jira halkan, gaar ahaan guriga dhexdiisa, sababtoo ah nalooma soo sheegin xaaladdan.”

Waxa ay intaas sii raacisay. “Dhib badan ayaan kala kulanay ADF, kuwaas oo xasuuqay qoysaskeena, waxaan sugeynaa in tani xal tahay.”

Isniintii, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa diiday inay oggolaato hawlgallo wadajir ah oo ay Uganda la sameyso si ay u baacsato ADF, iyadoo ku adkaysatay inay wadaagayaan oo keliya xogta.

Xigasho: Voa Somali.

Leave a Reply