941 litir oo Khamri ah ayay Xukuntay Maxkamadda gobolka Togdheer in la Burburiyo

0
395

Burco (Dawan) 941 litir oo khamri ah ayay xukuntay maxkamada gobolka Togdheer in la bur-buriyo.

Sidoo kale maxkamaddu waxay amartay in la gubo 10 kiiloo oo xashiishad ah.

Eedaysaneyaashii u xidhnaa maan-dooriyeyaashaas oo  ahaa lix ayay iyana waxay maxkamada gobolkaasi ku riday xadhig u dhexeeya 5 illaa 6 sanno.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa soo badanaayay noocyada kala duwan ee maandooriyeyaasha dalka soo gala ee ay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigaan.

Ciidamada booliska Somaliland oo kaashanaya bulshada ayaa inta badan ku hawlan cidhibtirka noocyada maandooriyaha kala duwan ee dalka iyo dadka ragaadiyay.

Leave a Reply