Duqa Caasimada oo Raaligelin’siiyay Dirawaliinta Gaadiidka Yar’yar

0
366

Hargeysa (Dawan) Duqa degmada   Hargeysa oo raaligelin ka bixiyay qaabkii shalay tagsiilayaasha Hargeysa cashuurta looga ururiyay.

Cabdikariin Axmed Mooge maayarka magaalada Hargeysa ayaa raali gelin ka bixiyay hannaankii loo maray ololihii cashuur urrunta ahaa ee ay shalay dawladda  hoose ku bilowday gaadiidka yar-yar ee loo yaqaan  Vitiz-ta iyo Brobox-ta.

Maayar Mooge wuxuu xusay in arrinta uu tagaasida ka raali gelinayaa ay tahay in iyadoon ogeysiis la siin lagu qasbay bixinta cashuurtaas.

Geesta kale maayarku wuxuu sbeegay in afar maal-mood oo ku eeg malinta Sabtida ay gaadiidkaas yar-yari kaga diyaar garoobaan bixinta cashuurtaas.

Shalay ayay ahayd markii dawlada hoose ee caasimadu ay waddooyinka ka uruurisay gaadiid tiro badan, kuwaas oo laggu amray inay bixiyaan lacag dhan 180-kun oo shillinka Somaliland ah, oo aan hore loogu sii sheegin.

Waxaanu yidhi.“Dawlada hoose kama xishoonayso in ay raaligaliso darawalada tagaasida yar yar ee caasimada in cashuur ururinta lagu bilaabay iyada oo aan la sii ogaysiin.

Sidaa darteed waxa aanu go,aansanay in raaligalin la idin siiyo, maalmo ogaysiis ahna la idin siiyo, tagsiilow waxa aanu kuu ogolnahay 4 cisho oo maanta ka bilaabmaya oo ku eg sabtida in aad ku ogaato in lagaa rabo cashuurtii kugu waajibtay.”

Leave a Reply