“Mashaariicdii Qorshaysnayd in la Fuliyo Way hirgaleen”Xoģhayaha dawlada hoose Caynaba

0
402

Caynaba (Dawan) Xoghaya dawladda hoose ee degmada Caynaba  Cumar Maxamuud Muuse, ayaa sheegay in mashaariicdii sannadkan sii dhammaanaya u qorshaysnaa dawladda hoose ee degmada Caynaba in ay fuleen isla markaanana ay badan koodu dhammaadeen kuwa socdaana ay bishan ku dhammaanayaan.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray Xoghaye Cumar in qorsheyaasha sannadka cusub ee Daeladda hoose ee degmada Caynaba in xoogga lagu saarayo mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka waxbarashada iyo horumarinta adeegyada Dadwaynaha ay u hayso dawladda hoose ee degmada Caynaba.

Xoghaya dawladda hoose ee degmada Caynaba oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi“Mashaariicdii ku tala galka ahayd waxna way qabsoomeen waxna waa gaba-gabo, saddex mashruuc ayaa markii hore la qorsheeyay, intii ay yimaadeen golaha degaanka ee cusub midi waxa ay ahayd in la banneeyo jidadkii hore ee gudaha magaalada dhexmari jiray, mashruucna waxa uu ahaa kii loo qorsheeyay nadaafada, midina waxa uu ahaa mashruuca dhexmara magaalada oo lagu sameeyay dayactir, dhab ahaan nadaafadii waa ay dhammaatay oo waa lagu guuleystay, si wacan oo qorshaysan ayay u socota haddana waddooyinkii waala bilaabay qaybtii koobaadna waala dhammeystiray.

Bilaha soo socda waxa loo gudbi doona qaybaha koobaad iyo kuwa saddexaad, afar waaxood ayaa loo qaybiyay iyagana waxa noo qorshaysan inay dhammaadaan, inta aan sannadkuba dhammaan haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Jidka gudaha magaalada dhexmara ayaa caqabada na xanibtay waxa ay tahay iyada oo waxkasta loo diyaariyay daanburkii, sababto ah magaalada Berbera ayaa danburka laga soo iibiyay.”

Xoghaye Cumar isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu intaas ku daray.“Mashruucyada kale ee noo fulay ee GPLG-ga ka fulay waxa ka mida waddo la dhammeystiray oo dhawaan la furi doono haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxa isna dhammaad ah Dhaamka dawladda hoose iyo dhallinyarada magaalada iska kaashadeen.

Sannadka danbe waxyaabaha qorshaha noogu jira waxa kow ka ah  adeegyada arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada,”

Leave a Reply