Xikmadaha

0
978
  • Geedka waxaa lagu qiimeeyaa midhaha ama hadhkiisa, Aadamigana waxaa lagu qiimeeyaa ficiladooda. Camalka fiican laguma khasaaro, Qofka beera Edeb iyo akhlaq wanaagsan waxa u gurtaa midhaha qadarinta, iyo jacaylka dadka.
  • Khaladka dadku sameeyo badanaa waa: waxa ay dhageystaan warka kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaarkii warka ay maqleen ama dhacay.
  • Caqabad kasta kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keliya ayaa naftaada joojin kara oo dib u dhigi kara
  • Sida dawaradu qofka u dulayso ayay deeqsinimadu qofka u sharaftaa.
  • Dhawrsanaantu waa ciidan aan la jebin Karin, sidaa awgeed gaashaan ka dhigo.
  • Noloshu ma’aha dhibaato in la xalliyo u baahan, balse waa xaqiiqo in lagu waayo qaato u baahan.
  • Hana noqon mid markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya
  • Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.

Leave a Reply