Golaha wakiilada Somaliland oo iska fogeeyay eedo la xidhiidha dacwada Coldoon oo xeer ilaalinta uga yimid

0
508

Hargeysa (Dawan) – Golaha wakiilada Somaliland, ayaa iska fogeeyay mid kamid ah qodobada lagu soo eedeeyay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sheegaya in aqalka golaha wakiilladu uu ka mid yahay dhibanayaasha soo dacweeyay Coldoon.

Xildhibaan Axmed Khaliif Jamac, ayaa warbaahinta u akhriyay warqad galaha kasoo baxday, isagoo sheegay in goluhu aanu wax lug ah ku lahay eedaha loo haysto Coldoon “Golohu wuxuu caddaynayaa in aanu dhinac ka ahayn, eedaha loo haysto maxbuuska, isla markaana aanu dhibane ka ahayn si xeerka waa faqsan”.

Sidookale, qaar kamid ah xildhibaannada, ayaa sheegay in xeer ilaalinta la waydiin doono, cida golaha ka been fariintay ee dacwadan u gudbisay.

“Shakhsiyad qaanuuni ah ayuu golahu leeyahay cida dacwadaa siisay waala waydiin oo golaha ayaa u yeedhi doona, waxan leeyahay Cabdimaalik Muuse Coldoon wixii uu sheegay wax burinaya wali xukuumada lagama hayo”Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waajahaya eedo ay kusoo oogeen dugsiyo waxbarasho, waalidiin iyo dad kale, isagoo muddo bilooyin ah xabsiga Madheera ku jira, kadib markii uu sheegay in dugsiyo waxbarasho oo Somaliland ku yaala laga faafiyo diinta Masiixiga.

Leave a Reply