Asturidda Iyo Qarinta Ceebaha Muslimiinta!

0
1106

Qofka muslinka ee leh edebta iyo akhlaaqda Islaamka waxa uu ku baraarugsan yahay wanaagga uu leeyahay in ceebaha walaalihiisa muslimka ah la qariyo, kana lug yeesho inuu soo bandhigo. Waxa arinkan sabab u ah iyadoo walaaltinimada Islaamku ay leedahay xuquuq ah in muslimiintu isu naxariistaan, is jeclaadaan, wadaagaan nolosha iyo kalagacal dhab ah.

Taasina waxa ay nolosha muslimiinta ka dhigaysaa mid uu wanaagga iyo khayrku qulqulayo oo ka madhan murugo, werwer iyo naxariis la’aan.

Saxaabiga Abu-Hurayra (Rc) waxa uu yidhi : Nebigi (scw) waxa uu yidhi :” Qofkii astura ceebaha iyo meel ka dhacyada qofk muslim ah inta Adduunka la joogo, ceebihiisa iyo gefafkiisa ayuu Allaha (sw) asturaa maalinta Qiyaamaha”. Waxa weriyay Muslim.

Waxaa laga wariyey saxaabiga Cabdullaahi Binu Cabbaas, )(Rc), in uu Nabiga (Scw) yidhi: “ Qofkii qariya xumaanta walaalkiisa Muslimka ah, Allah waxa uu asturaa xumaantiisa, Maalinta qiyaame. Qofka walaalkiisa muslimka ah xumaantiisa muujiya, Allah (sw) waxa uu soo bandhigi xumaantiisa ilaa uu ka muujiyo gurigiisa dhexdiisa.” WarintaIbnu Maajah, waxaana sugay oo tasxiiyayAlbaani.

W alaalka inaad ceebihiisa daba gasho oo aad faafiso waxa ay abuuraysa nacayb iyo kala taga bulshada, waxaana lumaya kalsoonida iyo wadajirka bulshada. Qofka muslimka ah waxa ku waajib ah in walaalkii uu asturto oo aan faafin oo aanu ku dhibin walaalkii iyo bulshadaba. Sababtuna waa qof bini’aadam, waxaa laga yaabaa inuu khaldamo.

Mujtamaca Islaamku waa bulsho midaysan, haddii mid ka mid ahi rafaad soo gaadho, waxa loo baahn yahay in kale degdeg u kaalmeeyo oo cidhiidhiga wax ka taro. Xadiiska Abu-hurayra ka soo weriyay Rasuulka Allah (sw) Rasuulku (scw) waxa uuyidhi : “ Ruuxii qof muslim ah ka qaada mid ka mid ah mashaakilka adduunka, Allah (sw) waxa uu ka faydaa dhibtooyinka maalinta Qiyaamaha. Qofkii qariya (ceeb) qofka muslinka, Allah waxa uu qariyaa (Ceebtiisa) aduun iyo Aakhraba, Allah waxa uu gargaara inta uu Adoonku kaalmaynayo Walaalkiis”.

Leave a Reply