Afar Bilood ka dib waxa la ogaaday in carruur ku khaldantay rugtii ay ku dhasheen

0
426

Afar bilood ka dib dhalmadoodii, laba qoys oo reer California ah ayaa ogaaday in labadooda carruur ahi oo ku khaldameen Cisbitaalkii ay ku dhaleen. Dhacdan waxay ka dhacday  Rug caafimaad ku yaal Los-Angeles oo lagu sameeyey waxa loo yaqaano IVT ama caarruurta lagu celiyey Ilma galeen dumarka bacriminta ka dib, waxaana wax khaldameen xilligii ay dhacaysay Bacriminta IVT.

Alexander iyo Daphna Cardinale oo ah Lammaanaha Ilmohoodii khaldamay ayaa bilaabay dacwad, ka dib markii ka shakiyeen gabadh u dhalatay sanadkii 2019-kii, waxaanay arkeen in aanay isku midab ahayn. Waxay ku noqdeen xaruntii dhallaan beerista laakiin waxay u sheegeen in ay tahay Gabadhoodii. Ka dib waxay furteen dacwad.

Muddo bilo ah, Qoysku waxay ka faalloonayeen muuqaalka ilmaha. Mar kastana Daphna Cardinale waxay isku deyeysay inay dejiso cabsida ninkeeda, ugu danbayntii Daphna waxay amartay in DNA-ga la qaado. Markii ay heleen natiijadii  waxa soo baxday Labada waalid ay kala korinayeen Ilmo anaany midkoodna ehel ahayn.

Qareenka Qoyska Alexander Cardinal Mr Alex Wolf, ayaa ku tilmaamay dhacdan mid mugdi leh, waxaana uu sheegay in aan looga fadhiyin khaladkan oo kale xarun dadku ku aamineen carruurtoodii. Qoyska kale ayaa Cardinales u soo diray sawirka ilmaha aaanay dhalin – kaas oo leh maqaar khafiif ah iyo timo cas.

Waalidiinta ayaa go’aansaday in laba carruur ahi la kala joogaan guryaha hooyooyinka haya, waxaana laysu wareejin doonaa January 2022. Qoyska Alexander Cardinal, ayaa hadda doonayaa in Mag dhow arrintaa laga siiyo, waxayse arrintani sharaf dhac ku noqotay Rugta caafimaad ee Los Angeles oo ay maamusho shirkad la yaqaano Mor.

Qareenka Wolf wuxuu leeyahay Cardinales waxay rajeynayaan in rugta caafimaadka iyo Mor oo “ay iftiimin doonaan arrintan.” Wolf waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in la helo nidaam ama xeerar lagu maamulo xarumaha bacriminta. Waxaan rabnaa inaan hubinno inaysan taasi mar kale dhicin.”

Xaruntani waxay samaysaa Bacriminta, waxaana la geeyaa Shahwada ama biyaha waalidka, kadibna marka la bacrimiyo ayaa dib loogu celiyaa Ilmo galeenka hooyada

Leave a Reply